Kasoo Bilow Amithab Bachchan Ilaa Iyo Karan Johar 5 Xidig Caanka Ah Bollywood-Ka Kuwaaso isku Martigeliyaal Ka Noqdayn Barnaamijyada Ka Baxa Tv-yada

aktarada ugu caansan gudaha bollywoodka kaliya kuma fakiraan inay lacag ka sameeyaan gudaha bollywoodka iyagoo mararka qaar ka shaqeeyaan howlo kale si ay u kasbadaan lacago fara badan

waxaa jirta dhawr aktar kuwaaso u shaqo doonteen dhanka iyo Tv-yada si ay ugu soo muuqdaan barnaamijyada ka baxa maadaama sanadahan dambe Tv-ga uu noqday mid ay si weyn ugu xiran yihiin dadweynaha dalka india

haddab aan eegno 5 xidig caanka ah bollywood-ka kuwaaso isku martigeliyaal aa noqdayn barnaamijyada ka baxa tv-yada

1. shah rukh khan

srk waa mid ka mid ah aktarada ugu caansan gudaha bollywoodka sidoo kale inta fanka uu ku guda  waxa uu sameeyay aflaamo classic ah sida Devdas , Dilwale Dulhania La Jayenge iyo kuwa kale oo badan laakiin aktarkan oo sumcad ka abuurtay fanka bollywoodka ayaa waxa uu isku badalay inuu marti-geliyo show ka baxa Tv-Yada

shah rukh khan ayaa waxa uu host ka noqday showga lagu magacaabo Kya Aap Paanchvi Pass Se Tez kaaso markii ugu horeesayTv-yada laga sii daayay sanadkii 2008 waxaana showgan uu yahay mid laga soo min guuriyay showgii American ee  caanka ahaa kaaso lagu magacaabo Are you smarter than a 5th Grader

2.  Amithab Bachchan

Rug-cadaagan bollywoodka ayaa waxa uu 9 seoson dhex-dhaxaadinaya showga caanka ah ee Kaun Banega Crorepati kaaso ka mid show-yada ugu caansan dalka india

waana show qof lagu weydiinaayo su’aalo kaaso uu ku hadlaayo abaal-marin weyn showgan markii ugu horeesay waxaa Tv-Yada laga sii daayay sanadkii 2000 waana show laga soo qaatay dhanka Tv-Yada dalka Britain kaaso la oran jiray who wants to be a millionaire

3. Amir Khan

aktarkan Amir Khan waa mid mar waliba awoodda inuu kasbado dareenka daawadayaasha isagoo marna ka ilmeesiiya marna qiiro geliya isagoo awooda fanka bollywoodka uu ku qabsaday aflaamta kala ah 3 idiots , ghajini ,pk ,dangal , dhoom 3 iyo aflaamo kale oo badan

laakiin aktarkan waxa uu u wareegay dhanka iyo Tv-ga isagoo marti-geliyo ka noqday showga caanka ah ee wada sheekaysiga kaaso lagu magacaabo Satyameva Jayate kaaso lagu hadlaayo dhibaatooyinka bulshada sida dhibaatada lagu hayo caruurta iyo haweenka waxaana xalqadiisa kowaad hawada laga sii daayay sanadkii 2012 xitaa waxaa showgan mar lagu a
casuumay Ra’iisal wasaarihii hore ee dalka England ninka lagu magacaabo David Cameron

4. Karan Johar

ninkan ka hadal uma baahna sababtoo waxa uu marti-geliyo ka yahay showga xiligan ugu caansan ee koffe with karan kaaso ka mid show-yada ugu waqtiga dheer dhanka iyo Tv-yada

isagoo  bilowday sanadkii 2004 showgan waxaa uu show-yada kale kaga duwan yahay hadal-haynta sababtoo ah koffe with karan waxaa lagu casuuma akatarada ugu caansan gudaha bollywoodka iyagoo la weydiiyo su’aalo aad uu xiiso badan iyadoo xalqadiisa ugu dambeeyay la daawaday sanadkan 2019

5. Salman Khan

sultanka bollywoodka waxa xiliga  lagu tilmaama aktarka ugu awoodda badan bollywoodka sababtoo salman waxa uu sameeyay aflaamta ugu waa weyn bollywoodka 10 sano ee lasoo gudbay sida Ek Tha Tiger , Dabbang , Bodyguard, Ready , Kick , Bajrangi Bhaijaan , Sultan iyo kuwa kale oo badan

sidoo kale aktarkan ayaa waxa uu dhex-dhaxaadiye ka noqday labada show oo ka mid ah kuwa caansan gudaha india kuwaaso kala ah Big Boss iyo 10 ka Dus halka Big Boss uu ka mid yahay showyada ugu waqtiga dheer dhanka iyo Tv-Yada

waxaana salman khan uu bilwoday inuu daadihiyo sanadkii 2006 kaaso xitaa laga sameeyay luuqado kala duwan sida Teleugu , Malayalam , Tamil , Bengali , Marathi iyo Kannada sidoo kale showga 10 ka Dus kaaso game show isagana waxa hawada laga sii daayay sanadkii 2008

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*