Home ARRIMAHA BULSHADA Kasoo bilow shimbirihii jaceylka ku xiji jaceylkaa kuu eg ilaa ay caruur...

Kasoo bilow shimbirihii jaceylka ku xiji jaceylkaa kuu eg ilaa ay caruur isaga dhalaan iyo xiriirkii jaceyl ee guuleystay misna dhex maray Fahriye Evcen iyo Burak Ozcivit.




Burak Ozcivit iyo Fahriye Evcen haatan waa lamaanaha ugu shacbiyada balaaran gudaha turkiga wuxuuna xiriikooda soo bilowday 2014tii intii ay ku jireen duubista taxanihii hirgalay ee CaliKusu.

Lamanahaan oo haatan is qabo sidoo kalana uu u joogo wiil bilooyin jira ayaa sanadki 2014tii ku kulmay iskuna bartay taxanaha CaliKusu (Shimbirihii Jaceylka) kaasoo guul fiican gaaray daawadayaashana aad usoo dhaweeyeen.

Balse taxanahaas mudadii uu socday waxaa dhacday iney aad isugu soo dhawaadaan Burak iyo Fahriye isfaham fiicana uu dhexmaro balse wax xiriir ah iyo jaceyl ma aysan wadaagin inkastoo taxanaha jaceyl ku wadaageen.

Markuu dhamaaday taxanahaas ayaa hadana waxay ku kulmeen misna markale mideeyay filimka Ask Sana Benzer (Jaceylka adiguu kuu egyahay) oo uu soo saare iyo qoraaba ka ahaa isla Burak Ozcivit.

Lamaanahaan oo ka sheekeynaayay sidii xiriirkooda kusoo bilowday ayaa sheegeen in mudadii ay socotay duubista filimka Ask Sana Benzer ay aad isugu soo dhawaadeen sidoo kalana quluubtooda midowday.




Kadib filimkaas Burak iyo Fahriye ayaa xiriirkooda banaanka keenay balse waxay mashaqo bilaabatay markii dhamaadkii sanadkii 2015tii uu Burak shaashada jaceyl kula wadaagay atariishada soo jiidashada leh ee Neslihan Atagul waxayna shaashada ku wadaageen muuqaalo dareen ku dheehan taasoo aad u kicisay isla markaasna sababtay in Fahriye maseerto.

Dhibka ugu weyn ayaa wuxuu ahaa saxaafada oo arinka dab kusii shiday isla markaasna arinkaan aad u daba kacday balse Burak oo Fahriye aad u jecel ayaa arinka biyo qabow ku shubay wuxuuna si uu Fahriye u qanciyo xiriirka saaxiibtinimo u jaray Neslihan Atagul inkastoo ilaa sanadkii 2017dii shaashada bah wadaag ku ahaayeen maadaama uu socday taxanahooda guusha weyn gaaray ee Kara Sevda.

Sanadkii 2017dii markuu dhamaaday taxanaha Kara Sevda Burak ayaa durba horay ka guursaday Fahriye waxayna bilowgii sanadkaan 2019ka u dhashay wiil ay ugu magac dareen Karan.

Lamaanahaan ayaa haatan ah kuwa ugu shacbiyada balaaran gudaha turkiga iyagoona ku nool magaalada Stanbul.




WARARKA UGU DANBEEYAY

Wararkii ugu dambeeyay Koonfur Hindiya: Tamil, Telugu, Malayalam iyo Kannada maxaa ka jiro

  Maalin wanaagsan dhamaan aqristayaasha shabakada Filimside ku xiran kuna soo dhawaadao barnaamijkeena aan idin kula wadaagno warbixino kooban oo ku saab saabsan dhanka fanka...

Ahan Shetty iyo Tara Sutaria filimkooda Tadap oo dib u dhac ku yimid duubistiisa

  Ruug cadaa Suniel Shetty wiilkiisa Ahan Shetty waxaa lagu soo caan bixinaa filimka Telugu ah ee Blockbuster-ka weyn noqday RX 100 oo loo bixiyay...

Rasmi: Filimka The Lion King iyo Isniintiisa kowaad ganacsiga weyn uu sameeyay

  Filimka Hollywood-ka ah The Lion King ayaa hoos u dhac 30% sameeyay Isniintiisa kowaad ganacsi ahaan marka lala bar bar dhigo Jimcadiisii kowaad lacagaha...

Rasmi: Filimka Super 30 iyo ganacsiga adag uu sameeyay Isniintiisa labaad

  Superstar Hrithik Roshan filimkiisa Super 30 ayaa ganacsi adag sameeyay Isniintiisa labaad wuxuuna keenay 3 Crore ($434k) waxayna ka dhigan tahay mudo 11-maalmood ah inu soo...