Katrina Kaif Oo Markii Ugu Horeysa Film La Sameeynesay Suldan Mahesh Babu Maxaa Ka Xiiso Badan!!

Arinta maanta ugu xiisaha badned dhanka aqbaaradka xidigaha India ayaa noqotay inee shaashada wadaagi doonan xidigaha kala ah Mahesh Babu iyo Katrina Kaif kuwaaso mid walba shirkad gooni ah ka shaqeyaan.

Telugu Super Star Mahesh Babu waxuu ka howl galaya mashruucisa xiga ee Maharshi kaaso ay atirisho ka tahay Pooja Hegde waxaana mashruucan Director ka ah Vamshi Paidipally sanadkaan ayaana la daawan doona.

Wararka waxay sheegayaan kadib filmkaan inuu Mahesh duubis ku bilaawi doono Director Sukumar filmkiisa xiga waxaana la sheegay in filmsameyahan Katrina Kaif la kulmay una bandhigay inee filmkaan atirisho kowaad ka noqoto Mahesh Babu-na shaashada la qeybsato.

Halka warar kale sheegayaan inuu wali ka fikiraayo la kulanka atirishadan walina uusan la kulmin balse hader qorsheynaya arinkaas sikastee ahaataba waxay u badanahay in Kaif filmkaan atirisho ka noqon doonto goordhow ayaana shaaca laga qaadi doona warkaan.

Balse taageerayaasha xidigahan ayaa farxad galisay warkaan mashruucana waa film Telugu ah markale Kaif koonfur India ayee film usameyn doontaa balse waxaa xiiso leh inee shashada la qeybsaneyso atoorahan la shaqeyntiisa xiisaha weyn leh waqtigaan.

Dhanka shaqada wali waxay ku mashquusantahay Ali Abbas Zafar filmkiisa xiga ee Bharat kaaso Salman Khan hogaamiye ka yahay xili Kaif 2018 2 mashruuc la timid kana guul dareesten kuwaaso kala ah TOH iyo Zero.