Katrina Kaif” Waxaan Jeclaan Lahaa Inaan Dib U Sameyo Filmka Mughal-E-Azam Waliba Doorka Anarkali”

 

Atirishada Katrina Kaif labadeedi film udambeyeen ee kala ahaa Tiger Zinda Hai iyo Thugs of Hinostan midna Blockbuster weyn ayuu u noqday midna waa ka bur buray ganacsi ahaan halka Zero tiyaatarada u saaranyahay kaaso guuldaresanaayo.

Waxay hader ku mashquulsantahay filmkeeda xiga ee Bharat kaaso ciidul fitriga la daawan doono waxaana hogaamiye ka ah Mega Star Salman Khan hadaba xidigtaan ayaa wareysi bixisay arimo dhowr ahna ka hadashay.

Waxaa la weydiyay filmka Bollywoodka ah ee ay jeclaan lahed inee dib usameyso maadama aflaam badan oo taariikhi ah Bollywoodka horey u sameyeen kuwaaso u qalmaan in dib loo sameeyo

Katrina ayaa ku jawaabtay sida tan,” aniga aflaamta Bollywoodka waan daawada sido kale filmo qaar ah aad ayaan u jeclahay daawashadoda mana ka dhargo inaan xili walba daawado aflaamtas.”

“Sidaa awged waxaan jeclaan lahaa inaan dib usameyo Filmka Mughal-E-Azam qaasatan doorka Madhubala ee Anarkali waayo waa door aan aad u jeclahay waxaana rajeyna inaan mar uun sameyn doono doorkas.”

Katrina Kaif waxaa waxaa tiyaatarada u saaran filmkeeda Zero kaaso ganacsi ahaan guuldareesanaayo maadama daawadayaasha iska diideen waxaana la jileen Shah Rukh Khan iyo Anushka Sharma..