Keerthy Suresh”Waxaan Taagero Rasmi Ah U Ahay Super Star Suriya Ilaa Yaraanteyda”

 

Keerthy Suresh waa atirisho koonfur India ah sido kalena kasoo muuqata aflaamta sida Tamil, Telugu iyo Malayalam, xidigtaan waxay snaadkii hore 2018 la timid aflaam waweyn oo guulo wacan u gaareen halka kuwa kalena la imaan doonto sanadkaan 2019.

Thaanaa Serndha Koottam  waxaa wada hogaaminayeenn Super Star Suriya iyo Keerth Suresh waxaana la daawaday sanadkii hore 2018 waana mashruuc xiiso leh oo ay daawadayaasha so dhaweyeen in badan..

Hadaba xidigtaan oo wareysi bixineysay waxay sheegtay in ay si waali ah u taagerot Suriya waxayna tiri,” waxaan si xad dhaaf ah u taagera Suriya waxaana taageri jiray ilaa waagi an iskuulka dhigan jiray.”

“Hooyadey waxay lasoo shaqeysay Suriya aabihiisa maadama ay sedex film iskala soo shaqeyeen ana hooyadey waxaan kudhihi jira Suriya ayaan la shaqeyn doona maanta riyadeyda way ii rumowday maadama qofka taageri jiray shaashada kala soo muuqanaya.”

“Suriya waa qof wanaagsan oo aan hadal badneyn balse hadii aan wax weydisto si deg deg ah ayu igu caawiya aadbaan ola dhacay dabecadisa taaso ay sii dheertahay inaan taageero weyn u ahay.”