Kesari Oo Maalintiisa Labaad Ganacsi Wanaagsan Sameeyay: Akshay Kumar Xili Shaqo Ayuu Daawadayaasha Tiyaatarada Ku Qasbayaa!!

Super Star Akshay Kumar filmkiisa Kesari ayaa ganacsi adag sameeyay maalintiisa labaad waxuuna keenay 17 Crore (Trade Figure) sida shabakada BOI soo daabacday fiidkan walina ganacsigiisa rasmiga ah ma ahan waa xili hore.

Waxaa macquul ah inuu intaan ka bato bari subax markii si wanaagsan loo fariisiyo ganacsiga maalintiisa laabad waxaa kaloo macquul ah inuu ka hoos maro balse sida guud mashruucan 20% hoos udhac sameeyay maalintisa labaad marka lala bar bardhigo maalinta kowaad.

Waxaana ugu wacan in feestada Holi jirtay maalinta kowaad halka maanta jimco ahed dadka inta badan shaqeynayeen Kesari hoos udhaciisa ugu weyn Mumbai iyo hareeraheeda ayuu ka sameeyay maanta maadama dadka inta badan shaqeynayeen waxuuna shalay halkaan ka keenay 7 Crore Gujraat sida uu ogagadmay ayaana u sabab ahed.

Balse maanta hoos udhac weyn ayuu halkaan ka sameeyay dalka intiisa ama gobolada kale waxuu ka sameeyay ganacsigii shalay mid lamid ah wali waxaa jiraan 2 gobol aan wali laga daawan kuwaaso kala ah Bihar iyo Odish maalinta barita ah ayuuna tiyaataro badan ka heli doonaa goboladan taasi oo micnaheeda ah in todobaadkiisa kowaad sedexda maalmod ugu horeysay ama afarta maalmood ugu horeysay uu ganacsi taariikhi ah sameeyn doono.

Wadarta guud mudo 2 maalmod ah Kesari waxuu kusoo xareeyay 38 Crore sabti iyo axad ayaana ka horeyaan oo fasax todobaadka ah waxaana la filaa inu sarre ukac weyn sameeyn doono awooda Akki meeshii ugu sareeysay ayee mareysa marba maalin shaqo ah haduu dadka ku qasbaayo inee usoo daawasho tagaan filmkiisa 17 Crore maalin shaqo ah inuu filmkaada soo xareeyo wax yar ma ahan.

Walal Ha Ilaawin Inaad Hal Xayeysiin Oo Ku Dhufato Xayeysiimaha Noocyada Kala Duwan Sida Cunooyinka, Agabka Guryaha, Games Kala Duwan Sawirada Kusoo Baxaan Mid Kamid Ah Kudhufo Mahadsanid…