Kiiska Ugaarta Deerta: Saif Ali Khan, Sonali Bendra Iyo Tabu Oo Maxkamada Jaipur Ku Amartay Inuu Maxkamada Soo Xaadiraan

Kiiskan ugaarta deerta ah waa mid soo jireen ah oo aan wali dhamaad laheen waxuuna socdaa mudo 20 sano isagoo soo bilawday sanadkii 1998 xili la duubayey filmka Hum Saathi Saathi Hain.

Waxaa la isku heystaa in Salman Khan toogasho ku dilay ugaarta nooca deerta loo yaqaan ee dunida kasii dhamaaneysa waqtigaan dadka hinduda qaarna ay caabuudaan ugaartaas diin ahaan ugu xiranyihiin.

waxaa liiskan loo haystaa dhamaan jilaayaasha filimka hum saath saath hain oo ugu horeeyo aktarka salman khan kaaso lagu eedesanayo inuu dilay ugaarta halka Saif Ali Khan, Sonali Bendre, Tabu iyo waliba Neelam Kothari lagu heysto inee ku dhiiro galiyeen jilaagan inuu toogto ugaarta.

iyadoo Maxkamadda Sare ee Jodhpur ayaa maanta oo isniin warqad ogeysiis ah u dirtay   jilayaasha Bollywood Saif Ali Khan, Sonali Bendre, Neelam Kothari, Tabu iyo Dushyant Singh oo xidhiidh la leh  kiiskii ugaarta sanadkii 1998 kiis ka dib markii u dhamaatay Waqtigii racfaanka ay maxkamada ay u qabatay jilaayaashaan

waxaana warkaan laga soo xiganaya wargeyska  Asian News International  kaaso bartiisa  Tweet ku shaaciyay qoraalkan

” Maxkamadda Sare ee Jodhpur saartay warqad ogeysiis kaas ku aadan aktarada kala ah Saif Ali Khan, Sonali Bendre, Neelam Kothari, Tabu iyo Dushyant Singh inay yimaadaan maxkamada ma dib markii uu dhamaaday waqtigii racfaan . ”

Salman Khan 5-sano xarig ah ayaa hore lagu xukumay 5 April sanadkii hore  kadib markii maxkamada Jodhpur ay ku cadeesay inuu toogtay labo ugaarta deerta ee dunida kasii dabar go’eyso toogasho ku dilay sanadii 1998.

Salman Khan labo habeen ayuu xabsi ku howday ka hor inta aan damaanad lagu sii daayay haatana isaga iyo qareenkiisa waxay qaateen rafcaan ah in kiiskan lagu laabto gabi ahaanba meesha laga saaro ama xukunka lagu riday lacag ku badasho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*