Home Nolosha Jilayaasha Kulankii Kowaad Ee 90-maadkii Dhexmaray Sussanne Khan Iyo Hrithik Roshan Iyo Sidee...

Kulankii Kowaad Ee 90-maadkii Dhexmaray Sussanne Khan Iyo Hrithik Roshan Iyo Sidee Isku Barteen Lamaanahan!!

 

Hrithik Roshan iyo Sussanne Khan tusaale ayaa loo soo qaadan jiray marka jaceyl laga hadlaayo sida ay fagaaraha marwalba jaceylkooda ugu muujin jireen aawged lamaanayaasha Ugu caansan Bollywoodka ayee kamid ahaayeen.

Sanadkii 2013 ayee go’aansadeen inee nolosha isku firaaqeyaan halka sanadkii 2014 si rasmi ah ukala tageen oo ay isku fureen 2 sano kadib markee nolosha isku faarujiyeen Sussanne ayaa saxaafada la fal gashay maadama marar badan ay ka gaabsadeen inee sheegaan sababta ay ku kala tageen.

Xiriirka lamaanahan ma ahan mid bilaawday bilawgii qarnigaa ee waa mid soo jireen ah oo 90-maadkii ayee xiriir wada lahaayen sida la sheegay sido kalena isbarashadooda kowaad dhacday.

Sussanne oo ka qeyb galeysa barnaamij Tv-yada ka baxa ayaa dadka dib u xasuusisay kulankii kowaad ee dhexmaray iyada iyo Hrithik Roshan 90-maadkii waxay tiri iyado hadleysa misane sharaxeysa qaabkii ay HR isku barteen.

“Waxay ahed xili aan waxbarashada dhameestay waxaan la kulmay Hrithik oo shaqsi caadi ah mana ahen Superstar-ka uu maanta yahay ee qof iska caadi ah ayuu ahaa balse aabihiis aflaamta kala shaqeyn jiray goob xaflad ayaan isku baranay kadibna sheekadeena wey dheeratay.”

“Isma laheen wiil Super Star filmada jila ayaad nolosha la wadaagi doonta dooqeygana ma ahen atoore in aan guursado balse calafka iyo jaceylka meele kuu wadaan lama socon kartid ugu dambeyn xiriirkas waqtigiisa ayaa dhamaaday oo halkas ku ekaa.”

Walal Ha Ilaawin Inaad Hal Xayeysiin ku dhufatoXayeysiimaha Noocyada Kala Duwan Sida Caunooyinka, Agabka Guryaha, Games Kala Duwan Sawirada Kusoo Baxaan Mid Kamid Ah ku dhufo Mahadsanid…




WARARKA UGU DANBEEYAY

Wararkii ugu dambeeyay Koonfur Hindiya: Tamil, Telugu, Malayalam iyo Kannada maxaa ka jiro

  Maalin wanaagsan dhamaan aqristayaasha shabakada Filimside ku xiran kuna soo dhawaadao barnaamijkeena aan idin kula wadaagno warbixino kooban oo ku saab saabsan dhanka fanka...

Ahan Shetty iyo Tara Sutaria filimkooda Tadap oo dib u dhac ku yimid duubistiisa

  Ruug cadaa Suniel Shetty wiilkiisa Ahan Shetty waxaa lagu soo caan bixinaa filimka Telugu ah ee Blockbuster-ka weyn noqday RX 100 oo loo bixiyay...

Rasmi: Filimka The Lion King iyo Isniintiisa kowaad ganacsiga weyn uu sameeyay

  Filimka Hollywood-ka ah The Lion King ayaa hoos u dhac 30% sameeyay Isniintiisa kowaad ganacsi ahaan marka lala bar bar dhigo Jimcadiisii kowaad lacagaha...

Rasmi: Filimka Super 30 iyo ganacsiga adag uu sameeyay Isniintiisa labaad

  Superstar Hrithik Roshan filimkiisa Super 30 ayaa ganacsi adag sameeyay Isniintiisa labaad wuxuuna keenay 3 Crore ($434k) waxayna ka dhigan tahay mudo 11-maalmood ah inu soo...