KUN HABEEN IYO HABEEN Dhameestirka QEYBTII 18-aad iyo QEYBTA 19-aad Oo Caawo Xiiso Leh

Intii Ka Harsaneyd Qaybta 18-aad:

wuxuu igu yiri boqorkeygoow waxa madow ee naga horeeya waa buur weyn oo birlab ka sameysan waxaana ku maqlay sheekooyin badan oo ay iisheegeen kabtanadii hore ee aan lasoo shaqeeyay buurtaas markabkasta oo agteeda mara wey jiidataa waxaana hoosteeda ku yaalo bohol aad uweyn oo biyaheeda wareegsanayaan markabka markuu bohoshaas ku dhaco ayuu burburaa waxaana meesha ku bur buray maraakiib badan waxaase jirta buurta horteeda waxaa ku yaalo buur yar oo ay saarantahay faras laga sameeyay maar uuna saaran yahay nin isna maar ka sameysan  sida kaliya ee lagu badbaadi karana ay tahay in faraskaas iyo macal ninka saaran meesha laga tuuro hadii kale inteena badan waan halaagsami doonaa,    anagana hada aad ayaan ugu dhawnahay marka  aan iscafino”

markaas ayaan wada naxnay qofba qofka kale cafiyay waxaana yaqiinsanay inaan halaagsanay,

kadibna markabkii ayaa qalibmay inta badan dadkii ila socdeena halkuu ayay ku dhinteen waxaana ka badbaadaya tirio yar oo fara ku tiris ah meelna aanan isku sheegin oo aan aniga kamid ahaa.

aniga waxaan ku badbaaday alwaax yar oo kamid ahaa burburkii markabka ayaan kudhagay oo siduu ii waday igeeyay buur yar oo meesha ku taalay markaas ayaan buurtii fuulay sidii aan ufuulayay ayan xaan tagay qeybta ugu sareyso mise qol ayaa meesha ka dhisan qolkii ayaana galay waxaana yaalay agab guri markaas ayaan labo rakacadood tugaday aadna waan udaalana,

halkii ayaana eexday anigoo meeshii hurda ayaan waxaan maqlay dhawaaq ii yeeraya oo ileh hebeloow meesha aad hurudo hoosteeda qod waxaana kujira fallaar iyo gamuun ee qaado oona ku rid faraska iyo ninka kor saaran ee buurta hor qotoma kadibna si musiibadaaan dadka uga bdabaadaan.

markaas ayaan soo hambaabiray oo meeeshii qoday kadibna waxaan kasoo bixiyay fallaartii waxaana ku tuuray faraskii iyo ninkii saarnaa,     markey ku dhacday ayay badii halmar kacday ilaa ay buurtii lasoo ekaatay anigana waxaa iqaaday hirarkii weynaa ilaa ay igu tuureen meel jasiirad ah aadna uyar cidlana ah.

markaas ayaan isdhahay markastood musiibo ka badbaado midkale ayaad madaxa lasii galeysaa, anoo meeshii joogo ayaan waxaan arkay markab jaziiradii kusoo socda waxaana kasoo dagatay 10 nin oo adoomo ahaa waxayna yimadeen jaziiradii iyagoo dhulkii banaana qoday kadibna waxay ku noqdeen markabkii markaas ayay waxay kasoo qaadeen raashiin cuno iyo cabitaan badan iyagoona godkii ku guray kadibna afka ka xiray markabkii ayayna ku noqdeen.

anigoo yaaban ayaan soo baxay meeshii ayaana imid kadibna wan qoday waxaana iisoo baxay albaab markaas ayaan galay waxaana ku arkay beero badan ooo meesha ku yaalo markaas ayaan hadana waxaan arkay faras meesha daaqayo markaas ayaan fuulay faraskii cabaar markii aan saaraan ayuu inta seyntiisii igu garaacay iska key riday halkaas ayaana isheydii ku waayay.

markaas ayaan godkii isaga soo baxay waxaan meeshii joogaba markii dambe waxaan la kulmay dad safareey ah oo meesha maraayay waxayna ikeeneen magaalada baqdaad maadama ay meesha kusooo wajahnaayeen

markii aan imid magaalada baqdaad oo aan cidna ka aqooni ayaan waxaan la kulmay labadaan nin  waan salaamay halkii ayaana iska soo raacnay ilaa aan ka imaanay gabdhahaan gurigooda waana taas sheekadeyda.

markaas ayay gabdhihii dhaheen waad fasaxantahay waadna bixi kartaa.

markaas ayuu yiri maya ma baxaayo ilaa aan ka maqlo nimankan kale sheekadooda.

markaas ayay gabdhihii khaliifkii iyo labadii nin ee la socotay ku dhaheen idinkana maxay tahay sheekadiina?

markaas ayuu jacfar dhahay anaga niman safareey ayaan nahay wax kalana majiraan.

markaas ayay gabdhihii dhaheen waad fasaxantihiin waadna bixi kartaan.

markaas ayay soo wada baxeen cabaar markey socdeen ayuu khaliifkii ku yiiri faqiiriintii xagee hada aadeysaan markaasey dhaheen ma naqaano,     markaas ayuu khaliifkii jacfar ku yiri orod oo wad meeley seexdaan sii bari subaxna iikeen si aan arintooda uxalino.

sidii ayuuna jacfar ku waday.

habeenkaas oo dhan khaliifkii caadilka ahaa ee HAARUUN wuu fikirayay,

markii subaxii la gaaray ayuu wuxuu uwacay jacfar wuxuuna ku yiri iikeen sadaxdii faqiir iyo sadaxdii gabdhood iyo labadii ayba,

markaas ayuu jacfar baxay oo dhamaantooda wadda keenay markii gabdhihii ay arkeen ogaadeena in nin kaan yahay khaliifkii mu,miniinta ee haaruun al-rashiid ayay yaabeeen markaas ayuu jacfar ku dhahay “imaqla khaliifka wuxuu doonayaa inuu ogaado waxkasta oo gurigaas ka socdo xaalkiina iyo xaalkii labadii ayba anaga xalay maadaama aan shuruud kujoognay gurigiina idinkuma xad gudbin, lkn saakay waxaad hor taagantihiin  khaliifkii shanaad eee dowlada cabaasiyiinta ahna amiirkii mu,miniinta waxaan run aheyna kuma badbaadeysaan”

markey gabdhihii hadalkaas maqleen ayay dhahday gabadhii  ugu weyneyd.

WEY SOCOTAA…….

QEYBTII 19aad.

HABEENKII 19aad:

Gabadhii koowaad waxay sheekadeeda ku bilowday.

waxaad ogaataa amiirkii mu,miniintoow in ay isoo martay qiso cajiib ah oo hadii iyadana lagu qoro xitaa irbad ay cibro unoqoneyso kuwa cibro qaato.

waxaad ogaataa in gabdhahaan walaalaheyga yihiin yihiin waxaana nahay isku aabo wuxuuna aabaheena lahaa hanti badan,

kadibna wuu geeriyooday markaas ayaan dhaxalkii si siman uqeybsanay.

kadib labadii gabdhood ee walaalaheyga ahaa wey guursadeen iyagoo nimankooda safar la galeen mudo markey maqnaayeen ayay ii yimaadeen iyagoo aad umurugeysan aadna uwalwalsan,

waan wareystay waxayna iisheegeen in nimankooda ay khiyaameen wixii xoolo ahaana ka furten.

markaas ayaan aad uga murugooday waan soo dhaweeyay waana sharfay waxaana usheegay in nimanka xiligaan jira aan la isku haleyn karin nin fiicana uu dhif yahay,

kadib markii aan mudo isla joognay ayaan waxaan go,aansaday inaan safar ganacsi ku aado magaalada basra,  waxaana diyaariyay markab weyn anigoo lacagteydiina ukala qeybiyay labo qeybood mid aan ku safray iyo mid aan kyd ka dhigtay.

kadiban waxaan uwacay gabdhihii walaalaheyga ahaa waxaana ku dhahay hadaad rabtaan waad iraaci kartaan hadaad rabtaana waad iska joogi kartaan ikhtiyaarka idinkaa leh,

markaas ayay dhaheen marnaba kaama hareyno oo waan ku raaceynaa.

halkii ayaan kasoo safarnay markaan mudo maalmo jidka kusoo njirnay ayaa waxaa ii yimid naaquudihii markabka waday wuxuuna iisheegay iney dabeylo daran wadadii naga wareejiyeen oo aan badii aan naqaanay ka dhunay isla markaasna aan bad la aqoon dhex galnay,

kadib wixii ay dabeyshii nawado ayay waxay nakeentay meel jaziiradd ah oo aad uqurux badan aadna cajiib u ah,

waan soo dagnay waxaana soo galnay jaziiradii oo ay dadkii ku noolaayen wada masakhmeen qof dhaqaaqayana uusan jirin.

aad ayaan ula yaabnay waxana ku kala firxanay jaziiradii si aan arinta yaabka leh u aragno,

aniga cabaar saan meeshii ugu wareegayay ayaan waxaan markii dambe arkay qasrigii looga talinayay jaziirada oo dahab kawada sameysan waan soo baxay albaabkii ayaana furay mise waa cajab cajabkiisee waxaan arkay qasri quruxdiisa aad layaabeyso darbiyadiisa waxaa lagu xardhay dahab iyo qalin,

gudihiisa waxaad ka heleysaa noockasta oo dhagaxaanta ifa sida luulka dheemanka yaaquutka iwm.

waxaa meesha ku yaalo hool aad uweyn waxaana dhexyaalo carshi laga sameeyay luul iyo dheyman xariirna lagu xardhay waxaana ku fadhiya nin wata taaj aad uqurux badan waxaana qiyaaseysaaa inuu yahay boqorkii qasriga agtiisana waxaa fadhiso naag aad ulabisan iyadan uu uxiranyahay taaj qurux badan iney boqorada tahayna waad ka dareemeysaa.

hareerahoodana waxaa ku waregysan ciidan ku hubeysan seefo dahab ka sameysan,

anigoo qasrigii ku wareegeysanaayo ayaan markii dambe arkay ifttin meel kasoo baxaayo dhankii iftiinkii ayaan kor imid wuxuuna ahaa shumac shidan.

waxaan isdhahay shumacaan qofkii shiday meelahaan kama foga waxaana ugalay raadintiisa,  balse intaan raadinayay ayaan qasrigii ku dhex dhumay maadaama uu aad uweynaa.

habeenkii markii lagaaray albaabkiina garan la,ahay ayaaan meel iska fariistay,  waxaan isku dayay inaan seexdo balse hurdo wey iga imaan weysay kadibna anoo meeshii sidii ufadhiyo ayaan waxaan maqlay cod qof quraan akhrinaayo,

waan la tacajubay qofkaan xiligaan quraanka akhrinaayo qofkuu yahay waxaana soo raacay codkii macaanaa.

kadibna waxaan soo galay qolkii uu codka kasoo baxayay mise waxaa dhex fadhiyo wiil aad uqurux badan wajigiisana uu u ifaayo sidii dayaxa,

markaan arkay ayaan salaamay salaantii ayuu iga qaaday, kadibna waxaan kudhahay ilaah baan kugu dhaariyee waxaad iisheegtaa siday wax ujiraan iyo dadka magaaladaan waxa ku dhacay.

markaas ayuu wuxuu igu yiri adiga waxaad iisheegtaa sidaad halkaan ku timid?

markaas ayaan uga sheekeeyay qisadeydii iyo sidey wax udhaceen, kadiban waxaan ku dhahay waxaad iisheegtaa adigana qisadaada iyo qisada magaaladaan.

wuxuu igu yiri magaaladaan aad ujeedid waxaa xukumi jiray aabaheyga waxayna ahaayeen dadka ku nool dad majuus ah oo dabka caabudaan,

kadib markii aan aniga dhashtay ayuu wuxuu aabaheyga ii geeyay islaan waayeel ah oo dadka wax barta si ay wax iibarto.

islaanta waxay aheyd naag muslimad ah lkn wey qarsan jirtay oo aabaheyga ma uusan ogeyn,

markii la iigeeyay ayay waxay ibartay diinta ilaahay quraanka iyo sunada waxayna igu tiri aabahaaga ka qari,

sidii ayaan ana kaga qariyay.

mudo kadib islaantii wey geeriyootay.

kadib waxaa dhacday maalin iyadoo lawada joogo yay magaaladii halmar gariirtay waxaana dhawaaqy dhawaaqe dadka uga digaya caabudista asnaamta iyo dabka.

kadibna dadkii waxay uyimaadeen aabaheyga balse wuxuu ku dhahay diintiina waxaas ha uga tagina iyagana hadalkiisii ayay yeeleen.

WEY SOCOTAA……

Hadii aadan aqrisanin Sheekada KUN HABEEN IYO HABEEN hordhaceeda fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 1-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 2-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 3-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 4-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 5-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 6-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 7-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 8-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 9-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 10-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 11-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 12-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 13-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 14-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 15-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 16-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 17-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 18-aad Fadlan RIIX HALKAAN