Home ARRIMAHA BULSHADA Kuwani ma yihiin caadooyinka guurka kuwooda ugu yaabka badan??

Kuwani ma yihiin caadooyinka guurka kuwooda ugu yaabka badan??




Layaabka aduunka ka dhaco waayadaan dambe wax iska caadi ah ayuu noqday iyadoo marba marka kasii dambeyso kor u kacayaan.

Waagii hore ma jirin tiknoolijiga maanta jira sidaas owgeed umadaha aduunka ma aheyn kuwa iska war qaba dhaqan ahaan iyo caado ahaan balse maanta umad kasta dhaqankeeda si fudud ayaad ku ogaan kartaa.

Dhaqamada aduunka wey badanyihiin waxaana kamid ah guurka oo ah dhaqan sidoo kalana ah wax diinta baneysay.

Guurka dhaqamo badan ayuu leeyahay tusaale anaga soomaali ahaan arooska iyo aroosada waxaan u dhignaa todobo bax sidoo kalana waxaa jiraan wax la dhaho sadax.

Aduunka markii la joogo arooska iyo aroosada waxaa lagu galbiyaa kaliya hal baabuur oo la qurxiyay kaasoo uu arooska wadaayo lkn soomaalideena taas waa ka duwanahay oo waxaan isku galbinaa gawaari tiro badan.

Balse waxaa jiraan dhaqamo kale oo aduunka laga isticmaalo balse ka soomaali ahaan hadaad maqasho afka ayaad qabsaneysaa.




Dhaqamadaas waxaa kamid ah in habeenka aqal galka aroosada la afduubto iyadoo arooskana laga doonayo inuu aroosada soo furto si uu ula aqal galo.

Sidoo kale waxaa jiro dhaqan ah in keega arooska markuu arooska dhaco la barafeeyo oo meel la dhigo iyadoo lala sugaayo inta arooska iyo aroosada caruur uga dhalanayaan waxaana la sameynaa kolkii caruurta dhashaan ayaa keegaas lasoo bixinaa dibna loo cunaa iyadoo loogu dabaal dagayo dhalashada cunugooda.

Sidoo kale waxaa kamid ah in habeenka aqal galka arooska iyo aroosada muusik lagu kor garaaco si aan jabaqdooda iyo shanqartooda loo maqlin ilaa waagu ka baryayo.

Waxaa kaloo jira dhaqan layaab leh kaasoo ah in arooska iyo aroosada ehelkooda isku yimaadaan isla markaasna qolka arooska lasoo buux dhaafiyo waxayna goob jog iyo marqaati u ahaanayaan kulanka aqal galka wiilka iyo gabadha.

Hadaba akhristow dhaqamdaan midkee si gooni ah kaaga yaabiyay mase jiraa dhaqan guurka ku saabsan oo ka yaab badan kuwaan??




WARARKA UGU DANBEEYAY

Wararkii ugu dambeeyay Koonfur Hindiya: Tamil, Telugu, Malayalam iyo Kannada maxaa ka jiro

  Maalin wanaagsan dhamaan aqristayaasha shabakada Filimside ku xiran kuna soo dhawaadao barnaamijkeena aan idin kula wadaagno warbixino kooban oo ku saab saabsan dhanka fanka...

Ahan Shetty iyo Tara Sutaria filimkooda Tadap oo dib u dhac ku yimid duubistiisa

  Ruug cadaa Suniel Shetty wiilkiisa Ahan Shetty waxaa lagu soo caan bixinaa filimka Telugu ah ee Blockbuster-ka weyn noqday RX 100 oo loo bixiyay...

Rasmi: Filimka The Lion King iyo Isniintiisa kowaad ganacsiga weyn uu sameeyay

  Filimka Hollywood-ka ah The Lion King ayaa hoos u dhac 30% sameeyay Isniintiisa kowaad ganacsi ahaan marka lala bar bar dhigo Jimcadiisii kowaad lacagaha...

Rasmi: Filimka Super 30 iyo ganacsiga adag uu sameeyay Isniintiisa labaad

  Superstar Hrithik Roshan filimkiisa Super 30 ayaa ganacsi adag sameeyay Isniintiisa labaad wuxuuna keenay 3 Crore ($434k) waxayna ka dhigan tahay mudo 11-maalmood ah inu soo...