La Kulan 9 Aktar Kuwaaso bilowga waayahooda fanka loo diiday samaynta aflaamo Muuqaalkooda Dartooda

shaqo walba oo caalamka taalo ma ahan mid si fudud lagu heli karo waxaana loo baahan yahay dadaal badan kaaso qaad inaad noqoto shaqsi caan ah ama aktar ma ahan mid si fudud aan ku samayn karto

waxaana la arkay dhawr aktaro kuwaaso fanka bollywoodka kusoo galayn si fudud tusaale ahaan sida kareena kapoor  ranbir kapoor  hrithik roshan kuwaaso caawin ka helayn qoyskooda oo hore fanka awood ku lahaayeen laakiin waxaa jira dhawr aktao kuwaaso aan fanka ku lahayn asxaab ama ehel kuwaaso iyaga caawin lahaa

laakiin waxa ay aqoonsi ku helayn awoodooda iyo tayada jiliinkooda
waxaan maantaa ku hayaa 9 aktar oo aad si weyn u wada garaneysan laakiin loo diiday samaynta aflaamo muuqaalkooda dartooda

1. shah rukh khan

kani waa boqorka bollywoodka laakiin xiligii uu soo galaayay fanka waxa uu jilista kaso bilaaway dhanka iyo tv-yada laakiin shah rukh khan ayaa muuqaalkiisa dartiisa waxa uu ku waayay dhawr aflaamood uu kusoo caan bixi lahaa

2. ranveer singh

ranveer singh waa aktarka ugu tamarta badan xiligan gudaha india laakiin aktarka markii uu doonayay inuu kusoo biiro bollywoodka ayaa waxa uu la kulmay diidmo maadaama loo sheegay inuu muuqaalkiisa uu yahay dadka ku nool north indian sida punjab kuwaaso aan ka soconaynin bollywoodka

3. amithab bachachan

aktarkan waa shaqsiga ay xiligan ku aftirsadaan aktarada bollywoodka midaaso uu ku gaaray dadaal fara badan laakiin xili waxa dhacday in loo diido samaynta filimo waxaana diidmadaas ay la xariirtay dhirirkiisa

4. anushka sharma

atariishadan dadaalka badan taaso samayn karta door waliba oo loo dhiibo laakiin anushka sharma waxa ay silac kasoo martay inay gaarto heerka ay maanta taagan tahay iyadoo bilowgeeda fanka bollywoodka lagu tilmaami jiray atariisho aan lahayn jir diyaarsan

5. arjun kapoor

kani waa mid loo wada jeedo xiligaan waxa uu aha ciyaal jalaato xitaa uma qalmin in loo dhiibo doorarka iska yar

6. tabu

tabu waa atariisho bollywoodka aysan ka maarmin xiligan iyadoo kasoo bixi karta door walba oo loo dhiibo laakiin tabu aya ku guul-daraystay inay fanka waqti hore soo gasho iyadoo meel walba oo ay tagto kaliya hal cilad ayaa loogu soo diidaayay taaso ah inay ahayd gabar aad u dheer

7. konkana sen sharma

atariishadan hadda ka mid kuwa ugu tayada wanaagsan ayaa xilli waxaa lagu tilmaamay inaysan lahayn waji ay ku noqoto atariisho iyadoo xiligaas la siin jiray doorar iska yar

8. irfan khan

irfan khan kan aad maanta u Jeedaan xilli waxa uu soo maray dhibaato si uu u noqon lahaa shaqsi caan isagoo xiligaas lagu dhaliili jiray mid aan lahayn jir diyaarsan iyo jilitaan fiican

9. katrina kaif 

Katrian ayaa waxa ay ingiriiska kaga timid si ay aqoonsi ugu heli lahayd bollywoodka laakiin waxa ay waqtigaas ay heli waysay samaynta aflaamta maadama muuqaalkeeda uu shabahaa kan gabdhaha reer galbeedka