Laadarka Caanka Ah Gulshan Grover Oo Lagu Soo Daray Filimka Sadak 2

 

iyadoo dhawaan reer Bhatt go’aansadeen inee qayb labaad ka sameeyeen filmka sadak  waliba qeybtiisa labaad oo sheekada halkeedii laga soo wado

halka  Sanjay Dutt iyo Pooja Bhatt oo hogaaminaayeen qaybta aysan qaybta labaad hogaamin karin maadaama ay duqooweyn sidaa aawged Alia Bhatt iyo Aditya Roy Kapur ayaa qeybtaan labaad hogaamiyaal dhalinyaro ah ka noqon doonan halka Sanju iyo Pooja waalidiin ku jili doonan.

Sadak waa film dagaal iyo jaceyl isku dhexjiro ah lana daawaday bilawgii 90-maadkii waana film xiiso leh oo guul weyn gaaray waxaana Director ka ahaa Mahesh Bhatt halka Sanjay Dutt iyo Pooja Bhatt hogaamiye ka ahaayeen.

waxaana qaybtii hore filimkan si weyn u nuurinaayay laadarka lagu magacaabo sadavish amrapurkar oo soomaalida u yaaqaana leeb sidaas darteed waxaa hadda mashruucan lagu soo daray laadarka weyn gulshan grover kaaso qayb weyn filimkan laga siiyay

iyadoo waxyaabaha ugu xiisaha badan ay tahay in atariishada pooja Bhatt ayaa shaashada kusoo noqon doonto mudo dheer kadib filmkaan halka sidoo kale filimkan Director ka noqon doono alia bhatt aabaheeda mahesh bhatt ayadoo duubis la bilaawi doono dhamaadka sanadkan