Laadarkii caanka ahaa Mahesh Anand oo geeriyooday asigoo 57-jir ah cidna garab ma siinin!

Mahesh Anand oo ku caan baxay sameynta doorarka xumaanta sidoo kalena filimadii 80-maadkii iyo 90-maadkii Bollywood-ka sameeyeen door wacan ka qaadan jiray laadar ama laadar xigeen ayaa geeriyooday sida la xaqiijiyay maalintii shalay ahayd (Sabti 9 Febraayo 2019) wuxuuna geeriyooday asigoo 57-jir ah.

Mahesh Anand ayaa ku geeriyooday gurigiisa deegan Versova ku yaalo gaar ahaan Kinara Apartments kana tirsan Mumbai xili uu kaligiis ahaa waxaana la sheegay in qamri badan uu cabay sidoo kalena wadnaha laga qabtay waxayna booliska u diiwaan galiyeen geeri si shil ah ku timid ama kama ah ku timid.

Mahesh Anand asigoo meedkiisa dhex yaalo aqalkiisa waxaa aroortii sabtiga gurigiisa timid haweeney aqalka u nadiifin jirtay markii laga furi waayay ayay dariska war galisay kadibna waxaa la wacay labada gabdhood ee la dhasheen Nita Sabnis iyo Lata Dasgupta waxaana goobta yimid boolis markii aqalka la jebiyay ayaa meedkiisa laga helay, waxayna dadka dariska sheegeen in mudo sedex maalmood ah aysan arkin una maleeyeen shaqo filim jilis ah inuu ku maqnaa balse aqalkiisa ayuu isaga jiray kuna geeriyooday.

Mahesh Anand Laadarkii Bollywood-ka Dayaceen:

Mahesh Anand filimkiisii ugu dambeeyay wuxuu ahaa Rangeela Raja oo dhawaan la daawaday sidoo kalena hogaamiye ka ahaa Govinda wuxuuna markaas baraha bulshada kusoo qoray “Mudo kadib filimka Rangeela Raja ayaan kasoo muuqanayaa kaliya lix daqiiqo muuqaal ah ayaan ku leeyahay waxaan rajeynaa inaan soo laabto sidoo kalena waxaan ka codsana shirkadaha filimada sameeyaan inay shaqo joogto ah i siiyaan madaama aan aflaanta doorar muhiim ah ku lahaan jiray 90-maadkii.”

Mahesh Anand 16-sano wax filim ah ma sameynin kaliya filimka Rangeela Raja ayuu 6-daqiiqo muuqaal ah dhawaan ku yeeshay waxaana hadalkiisa laga dheehan karay shaqo la’aan inay ku dhacday oo ay Bollywood-ka garab siin waayeen. Si la mid ah wuxuu iska noqday nin qamriga la saaxiib ah oo kaligiis noolaa dhawaanahan madaama la sheegay in xaaskiisa magaalada Moscow u guurtay sababo aan la ogeyn awgeed.

Mahesh Laadarkii Awooda Badnaa 90-maadkii:

Waxaa lagu xasuusan doonaa inuu doorar wacan ka qaatay filimada Shahenshah, Majboor, Swarg, Thanedaar, Vishwatma, Gumrah, Khuddar, Betaaj Badshah, Vijeta and Kurukshetra. sidoo kalena filimadii 90-maadkii la daawan jiray waxaa qasab ahayd inuu laadar ama laadar ku xigeen ka noqdo.

Wuxuuna lasoo shaqeeyay ama shaashada ku wada dagaalameen atoorayaashii 90-maadkii laga dambeyn jiray sida Amitabh Bachchan, Dharmendra, Sunny Deol, Sanjay Dutt, Govinda iyo kuwo kale laakiin cidna dib uma xasuusanin shaqadii wacneyd ee Mahesh Anand Bollywood-ka kasoo qabtay waa la iska hilmaamay 16-sano ka badana shaqo la’aan ayuu ahaa.

F-G: Fadlan walaal xayeysiimaha web-ka Filimside Click kusii hal mar oo kaliya xayeysiinta ka muuqato qoraalka aad aqrisaneysid.

Xitaa haddii qoraalka uusan ku xiiso galineyn fadlan xayeysiinta Click noogu sii midaas ayaa muhiim noo ah anagana abaal ayaan kaaga heynaa.

Warbixin walbo xayeysiin ayay wadaata nagu caawi xayeysiimaha kala duwan inaad halmar Click ku siisid

Fadlan shabakada Filimside Rukumo si Warbixin walbo aan soo daabacno Notification ahaan kuugu soo dhaco.

Mahad sanidiin.