Labiska Soo Jiidashada Leh Ee Kareena Kapoor Xirantahay Iyo Qiimaha Uu Suuqa Ka Joogo!!

Atirishada caanka ah Kareena Kapoor Khan oo ay taageerayaasheda ugu yeeraan Bebo ayaa todobaadkan lagu arkay labis soo jiidasho leh iyado xiran aadna looga helay.

Bebo waxay kamid tahay atirishooyinka todobaad walba kamid noqdan kuwa ugu labiska wanaagsan todobaad walba dhankale waa atirisho Fashion-ka si wanaagsan u taqaana oo mudo dheer kudhex jirtay.

Waxaa midaa u raacsan inee tahay atirisho lacag leh ama hanti leh Bebi hantideeda gaarka ah marka laga soo tago seygeeda Saif Ali Khan waxaa la sheega in dhaxal ahaan isaga iyo qoyskiisaba $2 Billion u heestaan.

Hadaba waxaa lasoo ogaaday labiska Bebo iyo qiimaha uu suuqa ka joogo ama la iibiyo sida la sheegayna qiimo ahaan waxuu ku fadhiyaa $5,000 Dollar waa lacag qaali ah marka loo fiiriyo dadyowga kale.

Balse xidigtaan dhankeeda lacag sidaa u badan kama ahan oo waxayba kamid tahay waqtigaan kuwa ugu mushaarka badan Bollywoodka maadama awoodeda fanka wali taagantahay xidigtaan.

Dhanka shaqada waxay ku mashquulsantahay filmkeeda Good News ee Akshay Kumar la jileyso halka Takht meel u yaalo duubisna ku bilaawo doonto waxaana Good News la daawan doona sanadkaan 2019 xili Takht 2020 la daawan doono.