Laga Soo Bilaawo Anushka Sharma Ilaa Illeana D’Cruz 5 Atirisho Bollywoodka Katirsan Ee 2019 Wax Film Ah La Imaan Doonin (+Sawiro)

Sanadkaan 2019 waxuu Bollywoodka iyo qofwalba u yahay jadwal cusub sidaa aawged waxaan sugeynaa aflaam badan inee Bollywoodka sameyaan kuwaaso dhaqaalo ahaan iyo sheeko ahaanba in badan lagu faaido.

Balse atirishooyin qaarkod wey ka qadi doonan ama kama qeyb qaadan doonan wacdaraha sanadkaan maadama wax film ah u diyaarsanen lamana imaan doonan aflaam cusub 2019.

Hadaba aan isla aragno 5 atirisho Bollywoodka katirsan iyo jadwalkoowad sanadkaan 2019 waxaana kamid ah Anushka iyo Illeana halkaan hoose kaga bogo warbixinooyinkooda..

Anushka Sharma:

Atirishadan filmkeeda udambeyay waxuu ahaa Zero kaaso ay door qof naafo oo kursi kufadhiya ku jileysay waxaana la jileen filmkan Shah Rukh Khan iyo Katrina Kaif sidaa aawged qorshaheeda lama oga fllm cusubna ma aysan saxiixan 2019 sidaas ayee xidigtaan ku dhameesan doontaa xitaa hadii ay saxiixato mashruuc cusub 2020 ayaa la daawan doona..

Sara Ali Khan:

Xidigtaan Bollywoodka dar dar xoogan ayee kusoo gashay sida hooyaded Amrisa Singh oo kale 2018 ayee latimid 2 film guulo waaweyn gaaren waliba Simmba ayaa Blockbuster lama filaan u noqday.

Balse 2019 wey nasan doontaa 2020 ayee la imaan doontaa aflaam cusub maadama sanadkaan wax film ah u qorsheesneen in tiyaatarada loo saaro wararka waxay sheegayaan in Baaghi 3 atirisho ka noqon doonto inkastoo ay wax kama jiraan kutilmaamtay arinkaas..

Kajol:

Xidigtaan 2018 waxay la timid filmkii bur burka taariikhiga ah kudhacay ee Helicopter wixii mashruucas kadambeyay waxa lasheegay inee wax ka jileyso filmka dagaalka taariikhiga ka hadlaayo ee Tahnaaji kaaso Ajay Devgan hogaaminayo balse 2020 ayee u badantahay in la daawan doono sidaa aawged Kajol 2019 shaashad laguma arki doono.

Diana Panday:

Diana Panday 2018 labo mashruuc ayee kasoo muuqatay waliba filmkeeda Parmanu ee John Abraham la jishay ayaa guul wacan u gaaray balse 2019 wax qorsho ama film cusub ay soo wado majirto 2020 ayaan sugi doonna.

Illeana D’Cruz:

Filmkeeda udambeyay ee Bollywood ah waxuu ahaa Raid oo 2018 la daawaday Hit weyna u noqday balse 2019 wax mashruuc ah ma aysan saxiixan nolosheeda gaarka ah ayee ku mashquushay mida kale xidigtaan miisaankeda ayaaba cuslaaday markaan hadeesan iska shaqeynin waa kudhib inee film sameeyso hada kadib..

Dhamaad..