Lamaanayaasha Bollywood-ka Iska Dhex Doorteen Kuwooda Ugu Hadal Heynta Badnaa Balse Aan Is Calfanin Qaybta 3-aad (+Sawiro)

Kusoo dhawaada qaybta sedexaad aan kaga hadleenay marka ay dhacday in jilaayaasha Bollywood-ka jecel dhex maro balse nadiib daro aysan is calfanin sida diiwaan gashan kuwooda ugu hadal heynta badnaa.

Hadaba xogtaan waa mid soo jireen ah sidoo kalena waqti ahaan aad u fog xiliga ay soo bilaabatay inay xidigaha Bollywood-ka is doortaan laakiin kuwooda aan is calfanin hadal xoogana abuureen ayaan si gaar ah u fiirin doonaa:

Hrithik Roshan Iyo Kareena Kapoor:

Caruur la isku daayo lana dhaho isla bood booda waqtigana isla qaato ceebta ka dhalan karto lama qiyaasi karo.

Hrithik Roshan asigoo dhalin yar ayuu masuuliyad qaaday wuxuuna guursaday Sussanne Khan oo gurig u joogtay laakiin wiilkaan waxaa dhex qaaday gabadha fudeedka, kaftankeeda iyo qosolkeeda xad dhaafka ah yahay Kareena Kapoor.

Bilawgii qarnigaan isla shaqeyntii waalida ahayd ee Hrithik iyo Kareena ka dhaxeesay xiriir qarsoon oo hadal xoogan abuuray ayaa ka dhex dhashay.

Jaceylka labadaan jilaa ma hano qaadin madaama Hrithik ogaaday inuusan xaaskiisa Sussanne Khan meel kaga tagi karin sidoo kalena aabihiis Rakesh Roshan ayaa u sheegay wiilkaan dhalanteeda uu dhexda kaga jiro inuu ka baxo!

Kareena iyadana reerkeeda ayaa la hadleen waxaana loo sheegay inay qeyrkeeda raadsato weliba mid xaas laheyn oo sharafkeeda ku dhowrsanaan karo, sheekadana sidaas ayay ku dantay.

Laakiin Kareena iyo Hrithik waxay sii mareysaa in ka badan 14-sano inaysan isla shaqeynin ama wax filim ah isla keenin!!!

Shatrughan Sinha (Canjeex) Iyo Reena Roy: Waxay ahaayeen lamaane shidan oo Bollywood-ka iska dhex doorteen dhamaadkii 70-kii sidoo kalena aad loo hadal heyn jiray xiligoodii xiriirka ka dhaxeeyay.

Balse Shatrughan Sinha ayaa niyada ka jebiyay Reena Roy madaama uu ka raacay atirishada Poonam Singh oo uu guursaday sanadii 1980.

Image result for Shatrughan Sinha and Reena Roy:

Laakiin Reena Roy waxay ahayd qof aad ugu nugul Shatrughan Sinha waxayna lasii waday xariir qarsoodi ah asigii xaasle ah ilaa markii dambe arinkoodii laga dhigo mid fadeexo ah oo ay Bollywood-ka ku sheekeestaan.

Waxaa cajiib ah Shatrughan Sinha curadiisa Sonakshi Sinha oo atirisho ah maanta inay siweyn muuqaal ahaan ugu eg tahay Reena Roy-dii uu jaceylka ku abuuray meel cidlo ahna kaga tagay.

Shatrughan Sinha asigoo haatan masuul dowladeed sidoo kalena xil dhibaan ah buugiisa la magab baxay ‘Anything But Khamosh: The Shatrughan Sinha Biography,’ wuxuu shaaca kaga qaaday in Reena Roy uu xariir hoose la wadi jiray xitaa markii uu guursaday ama xaasle uu ahaa!

La Soco Qaybta 4-aad Maqaalkaan Xiisaha Badan……….