Home Nolosha Jilayaasha Lamaanayaasha Shaashada Bollywoodka Ee Tirada Ugu Badan Film Isla Sameyeen!!

Lamaanayaasha Shaashada Bollywoodka Ee Tirada Ugu Badan Film Isla Sameyeen!!

 

Atoorayaal iyo atiriishooyin badan ayaa isla shaqeyeen taariikh ahaan fanka hindiya guulo waaweyna gaareen marnaba lama ilaawi doono guulihii waaweynaa ee Dharmendra iyo Hema Malini fanka hindiya ka gaareen.

Waa diiwaan gashan yihiin sido kale Govinda iyo Karisma Kapoor guulo taariikhi ah ayee wada gaareen waxayna kamid yihiin atooraha iyo atiriishada filmada ugu badan isla sameyeen.

Hadaba maqaalkan waxaan kaga hadli doonnaa guud ahaan atoorayaasha iyo atiriishooyinka tirada ugu badan filmada isla sameyeen taariikh ahaan aflaamta kuwa guulesteen iyo kuwa guul dareesteenba wey isugu jiraan.

Yaaba ka maqan liiskan xidigihii ugu caansanayen Bollywoodka ayaa isugu yimaaden waxan isugu so aruurinay hal Table dhinac waa tirada filmada ay isla sameyeen sida sawirka hoose ama Table-ka hoose aad ka arki kartid dhinaca kalena waa atooraha iyo atiriishada magacyadooda.

Sida muuqata waxaa ugu badan Jeetendra (Faaris) iyo Rekha oo isla sameyeen 31 film guud ahaan kuwa guulesteen iyo kuwa guul dareesteena isugu jiraan waxaana kusoo xigaan Dharmendra iyo Hema Malini oo 27 film isla sameyeen bal nala arag shaxdan Table-ka kujirta.

Atooraha iyo atiriishada ugu guulaha badan taarikh ahaan waa Dharmendra iyo Hema Malini sababto ah 27-ka film ay wada sameyeen 21 film kamid ah guul wacan ayee u gaareen sidaa aawged waa atooraha iyo atiriishada filmada ugu badan ee guuleesteen wada sameyeen.

F.G: Tirada ugu yar 9 film ayaa laga soo qaatay oo micnaheeda ah atoore iyo atiriishada filmada ugu badan sameyeen kuwooda tirada ugu yar heestan 9 film ayaa laga soo qaatay oo maqaaalkan ku xeen daaban yahay wixii 9 ka hooseya lama soo qaadan.

Walal Ha Ilaawin Inaad Hal Xayeysiin ku dhufatoXayeysiimaha Noocyada Kala Duwan Sida Caunooyinka, Agabka Guryaha, Games Kala Duwan Sawirada Kusoo Baxaan Mid Kamid Ah ku dhufo Mahadsanid…




WARARKA UGU DANBEEYAY

Wararkii ugu dambeeyay Koonfur Hindiya: Tamil, Telugu, Malayalam iyo Kannada maxaa ka jiro

  Maalin wanaagsan dhamaan aqristayaasha shabakada Filimside ku xiran kuna soo dhawaadao barnaamijkeena aan idin kula wadaagno warbixino kooban oo ku saab saabsan dhanka fanka...

Ahan Shetty iyo Tara Sutaria filimkooda Tadap oo dib u dhac ku yimid duubistiisa

  Ruug cadaa Suniel Shetty wiilkiisa Ahan Shetty waxaa lagu soo caan bixinaa filimka Telugu ah ee Blockbuster-ka weyn noqday RX 100 oo loo bixiyay...

Rasmi: Filimka The Lion King iyo Isniintiisa kowaad ganacsiga weyn uu sameeyay

  Filimka Hollywood-ka ah The Lion King ayaa hoos u dhac 30% sameeyay Isniintiisa kowaad ganacsi ahaan marka lala bar bar dhigo Jimcadiisii kowaad lacagaha...

Rasmi: Filimka Super 30 iyo ganacsiga adag uu sameeyay Isniintiisa labaad

  Superstar Hrithik Roshan filimkiisa Super 30 ayaa ganacsi adag sameeyay Isniintiisa labaad wuxuuna keenay 3 Crore ($434k) waxayna ka dhigan tahay mudo 11-maalmood ah inu soo...