Layaab; wuxuu laqay dheeman si uu u xado laakiin wuxuu la kulmay wuxuusan fileynin.

 

 

Magaalada Moglo ee ku taalo koonfur galbeed ee wadanka Turkiga ayaa waxaa ka dhacay dhacdo layaab leh kadib markii nin dalxiis ahaa oo u dhashay wadanka Irland uu laqay faraanti dheyman ha kaasoo miisaankiisa ahaa 3.5 Qiiraad qiimihiisana uu gaarayay $40,000 (afartan kun oo dolar).

Ninkaan oo magaaladaas fasax ku joogay ayaa waxaa la sheegay inuu galay xaruun lagu iibiyo dahabka iyo waxyaabaha la isku qurxiyo asigoona meeshii ku xaday faraantigaas laakiin si aan loo ogaanin ayuu faraantigii u laqay hase yeeshee  arinkiisa ayaa ka kashifmay kadib markii ay qabteen kaamiroooyinka xarunta ku yaalay.

Booliska Turkiga ayaa meeshii soo gaaray isla markaasna ninkii Irishka ahaa gacanta ku dhigay waxaana loo gudbiyay isbitaalka si loogu sameeyo qaleen isla markaasna looga soo saaro faraantiga.

Kahor intii aan qaliinka lagu sameynin ninkaas ayaa waxaa la siiyay daawooyin caloosha socodsiiyo si uu u saxarooda waxaana isbitaalka ku xareysnaa oo la sugayay mudo 2 maalmood lkn markii ay waxba kasoo bixi waayeen ayaa qaliin caloosha looga sameeyay.

Kadib markii lagu guuleystay in faraantigii dheymanka ahaa laga soo bixiyo ayaa tuugaas waxaa loo gudbiyay maxkamada magaaladaas wuxuuna sheegay in markii uu faraantiga arka miir daboolmay oo uu soo naaxay asigoo laqay.

Hase yeeshee maxkamada ayaana cudurdaarkaas ka yeelin waxayna ku xukuntay 8 sano iyo 9 bilood oo xariga ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*