Liiska Dadka Caanka Ah Ee Dhintay Kuwaasoo Lacagta Ugu Badan Helay Sannadkii 2017 (Warbixin yaab leh)

King of Pop – Michael Jackson ayaa ugu horreeya liiska 10ka shaqsi ee dhintay kuwaasoo lacagaha ugu badan helay sannadkii  aan soo dhaafnay 2017.

Akhristeyaasheenna qaarkood ayaa laga yaabaa in aysan rumeysan inuu weli lacag helayo shaqsi dhintay, laakiin tusaale waxaa loo soo qaadan karaa Michael Jackson kaasoo uu weli si xowli ah u gadmayo lebiskiisii uu caanka ku ahaa, sidoo kalena dadku ay iibsanayaan muusigiisii. Ciidda Cabsida Halloween ayaana loo isticmaalaa inta badan lebiskii MJ.

Sannadkii shanaad oo xiriir ah lebiska Michael Jackson ayaa noqday kuwa loogu iibsiga badan yahay feestada Halloween-ka iyadoo guud ahaan 75 milyan oo dollars uu helay sannadkaan. Halyeeyga Golf-ka Arnold Palmer ayaa kaalinta labaad ku jira.

Sidoo kale Charles Schulz, Elvis Presley, fannaankii weynaa ee reer Jamaica Bob Marley ayaa kasoo muuqday liiskaan.

Halkaan ayaad ka akhrisan kartaa liiska oo dhammeystiran.

  1. Michael Jackson – Fannaan – Dhintay 25kii, June 2009kii – ($75 Milyan oo dollars).
  2. Arnold Palmer – Xiddig Golf-ka Ah – Dhintay 25kii September, 2016kii – ($40 Milyan oo dollars).
  3. Charles Schulz – Kartooniiste – Dhintay 12kii, February, 2000 – ($38 Milyan oo dollars).
  4. Elvis Presley – Fannaan, Jillaa – Dhintay 16kii August 1977dii – ($35 Milyan oo dollars).
  5. Bob Marley – Fannaan – Dhintay 11kii, May 1981dii, ($23 Milyan oo dollars).
  6. Tom Petty – Fannaan – Dhintay, 2dii October 2017kii – ($22 Milyan oo dollars).
  7. Prince – Fannaan, Jillaa – Dhintay 21kii April 2016kii – ($18 Milyan oo dollars).
  8. Dr – Seuss – Qoraa – Dhintay, 24kii September 1991dii – ($16 Milyan oo dollars).
  9. John Lennon – Fannaan – Dhintay, 8dii December 1980 – ($12 Milyan oo dollars).
  10. Albert Einstein – Seynisyahan – Dhintay, April 18, 1955tii – ($10 Milyan oo dollars).

    Fadlan shabakada Filimside Rukumo si Warbixin walbo aan soo daabacno Notification ahaan kuugu soo dhaco.

    Mahad sanidiin.