Liiska filimada Hollywoodka ugu waaweyn ee soo bixi doonaan sanadkaan 2019ka.

 

Hollywoodka sanad kasta waxay soo saaraan filimaan aad u badan waxayse filimaanta ku kala duwanyihiin meelo badan sida dhanka tayada filimka sheekadiisa, miisaaniyada uu xambaarsanyahay iwm.

Hadaba halkaan waxaan idiin kuugu soo gudbin doonaa liiska filimada ugu waaweyn ee soo bixi doonaan sanadkaan 2019ka.

 

1-Captain Marvel.

waxaa tiyaatarada la saaray 8da bishaan Maarso ee hada socoto walina wuu saaranyahay.

 

2-Avengers: Endgame.

Waa qeybtii labaad ee Filimka Avengers; Infinity War ee aktarada waaweyn la isugu keenay wuxuuna soo bixi doonaa  26da April 2019.

 

3-John Wick: Chapter 3

Kadib markii labadiisii qeyb ee hore guuleysteen waxaa laga sameeyay qeyb sadaxaad waxaana tiyaatarada la saari doonaa 17 Juun 2019ka.

 

4-Godzilla: King Of The Monsters.

Waa qeybta labaad ee Filimkii Godzilla ee cabsida badnaa kaasoo soo baxay 2014tii halka qeybtaana tiyaatarada la saari doono 31da Jun 2019ka.

 

5-Men In Black: International.

Waa filimka ugu weyn ee lawada sugaayo sidey ila tahay iyadoo qeybihiisii hore oo dhan guulo waaweyn gaareen sheeko ahaana aad looga helay waxaana tiyaatarada la saari doonaa 14ta July 2019.

 

 6-Spider-Man: Far From Home.

Ka sheekeyn ma rabo ayaan filaa filimkaan qeybihiisii hore waxayna qeybtaan soo bixi doontaa 5ta bisha Agoosto 2019ka.

 

7-Once Upon a Time in Hollywood.

Filimkaan jariimada iyo dilalka ka hadlaayo waxaa la isugu keenay labo aktar oo waaweyn Brad Pitt iyo Leonardo DiCaprio wuxuuna soo bixi doonaa 26da bisha Agosto 2019.

 

8-Hobbs and Shaw.

Filimkaan ay ku midooween Dwayne Johnson iyo Jason Statham waxaa tiyaatarada la saari doonaa 2da bisha September 2019ka.

 

9-Zombieland 2.

Filimkaan horrorka ah qeybtiisii hore waxaa la daawaday mudo 10 sano laga joogo iyadoo qeybtiisa labaadna lagu beegay sanad guuradiisii 10aad oo ah 11 Oktobar 2019ka.

 

10-Star Wars: Episode IX.

Waa qeybtii sagaalaad ee taxana caanka ah Star Wars iyadoo qeybtaana ay soo bixi doonto 20ka December 2019ka.