Ma 1 Crore Ayee Mushaar Ahaan Ugu Qaadan Doonta Rkaul Preet Singh Filmka NTR Noloshisa Looga Hadlaayo!!

Waxaan idiin la wadaagnay markii hore in Rakul mashruuca NTR noloshiisa looga hadlaayo lagu soo daraayo balse si rasmi ah ayaa hader loo shaaciyay waliba aragtideeda kowaad ayaaba lasoo bandhigay oo waxay kujilee doorkii Sridevi.

Mashruucan waa mid kamid ah filmada ugu waaweyn taariikh ahaan shirkada Telugu maadama looga hadlaayo nolosha halyeeyga ay ku faanan NTR Rama Rao oo ah Jr NTR-ka maanta aan garaneeno awoowgisa.

Filmkaan waxaa wada jilaayan xidigo badan sida Nandamuri Balakrishan oo ah Super Star weyn ayaa hogaamin doono kaaso shaashada ku jili doono nolosha aabihiis NTR halka Vidya Balan ku jili doonto xaaska kowaad ee NTR taaaso lagu magacaabo Basavatarakam sido kalea Rnaa Daggubati ayaa mashruucan wax ka jilaayo.

Mashruucan ayaa ah mid xiiso leh laba qeyboodna loo kala qaadayao mid waxaa la daawan doona 9 Janaayo 2019 halka qeybta labaadna la daawan doono 25 Janaayo 2019 waa mudo hal bil ah oo labada qeybood mashruucan la daawan doono.

Wararka waxay sheegayaan in atirishadan doorkeda mashruucan lagu siin doono lacag dhan 1 Crore ($151,515) waana doorkeda Sridevi ku jileyso labada qeybood ee filmkaan sanadka dambe la daawan doono.

Waxaa la sheegay in 20 daqiiqo kaliya ku lahaan doonto mashruucan labadiisa qeybood shaashadana kaga soo muuqan doonto iyaodo Sridevi ah heeso caan ahna la sameen doonto Balakrishna.