Ma Aaminaysid Lacagaha Sanadka Soo Gashay Gabadha Modelka Ee Lagu Magacaabo Kim Kardashian

kim Kardashian waa mid ka mid ah shaqsiyaadka ugu caansan ee caalamka gabadhan u dhaxda fanaanka reer amreica kanye waste kaaso ay u hayyso sadex caruur

kim waa gabadha haysto dhanka fashionka iyo xayeesiinka agabyada layaku qurxiyo sidoo kale kim Kardashian waxa ay kasoo jeeda qoys ku caan baxay dhanka iyo modelka sida gabdhaha iyada la dhashay ee kala kylie jenner kendall Jenner khloe Kardashian

kim Kardashian waxaa sanadkan soo galay lacagihii ugu badnaa tan markii ay bilowday howlaha xayeesiinta sida laga soo xigtay shabakada lagu magacaabo forbes . kim Kardashian sanadkii hore ee 2018 waxaa soo gashay hanti fara badan waxaana lagu qiyaasay inay lacagahaas 100 million oo dollar

kim Kardashian dhaqaalaha ugu badan waxa ay ka sameesay shirkadayda soo saarta make-up ka ee lagu magacaabo kim Kardashian beauty taaso qiimahaan suuqa loogu iibinaaya lacag dhan 45 dollar laakiin waxaa la yaab ah in kaliya labo sacaadood gudahood la iibsaday ku dhawaad in ka badan 500 kun oo xabo

waana arrin waali ah iyadoo kim Kardashian labo saacadood kaliya ay kusoo gashay lacag gaaraysaa 14 million oo dollar ah waxaana halkaas laga helay lacag aad u fara badan taaso dhan 55 million oo dollar

sidoo kale kim Kardashian ayaa waxa laga sameeyay game ka hadlaya nolosheeda iyo  sida loo marsado make-up waxaana game kaas play store ka dagsadayn dad gaaraya 45 million oo shaqsi waxaana faa’ido ahaan game kaas uu soo xareeyay lacago dhan 160 million oo dollar waxaana

kim Kardashian waxa ay halkaas ka heshay lacago gaaraya 45 million oo dollar waxa ay gabadhan lacago ka sameesay meelo kale oo badan sida showgeeda taxanaha ah ee keeping up with the Kardashians iyadoo kim ay qanadaraas la gashay tv-ga caanka ah ee E! kaaso xaquuqdiisa ku iibsadayn 80 million iyadoo la bilaabay in la daawado sanadkii 2007

waxaana kim Kardashian usii dheer lacago kale oo ay kasoo galaan dhanka iyo xayeesiimada sida dharka, kareemada iyo ka qayb-galka xafladaha iyo aroosyada waxa ayna midaas ka dhigaysa kim Kardashian inay sanadkaa 2018 ay soo galayn lacago ka badan 100 million iyado sido kale taageerayaal fara badan ku leh baraha bulshada kuwaaso mar weliba ku xiran