Ma Ogtahay In Akshay Khanna Inuu Iska Diiday Doorkii Sanjay Dutt Aabihiisa Ee Filimka Sanju

aktarka akshay khanna wuu soo laabtay waxaana dhawaan usoo bixi doona filimka lagu magacaabo kalank the accidental prime minister Akshaye Khanna uu matalaayo doorka Sanjaya Barua oo ahaa wariye ruug cadaa ah arimaha siyaasada ka faaloon jiray

akshay waa aktar leh xirfad jiloon heer sare ah kaaso uu kusoo jiidan karo dadweynaha laakiin aktarkan dhawaanahan waxaa laga waayay saaxada bollywoodka

isagoo sanadkii 2016 kusoo laabtay filimka dishoom ay hogaamiyaha ka ahaayeen aktarada kala ah varun dhawan iyo john abraham

ka dib markaas ayaa aktarkan ayaa helay dalabaadyo fara badan waxaana ka mid ah in akshay khanna loo soo bandhigay inuu sameeyo doorkii sanjay dutt aabihiisa ee filimka sanju

akshay ayaa xitaa waxaa laga qaaday dhawr tijaabo si loogu ekeesiiyo wajiga sanjay dutt aabihiisa sunil dutt iyagoo ugu damabayn aktarkan uu go’aansaday inuu diido samaynta doorkan

maadaama laga rabay inuu waqti badan geliyo samaynta doorkan akshay khanna ayaa xiligaas waxa uu haystay dalabaadyo kale oo badan isagoo booskaan ugu damabayn uu qaatay aktar door walba samayn kara ninka lagu magacaabo paresh rawal kaaso si weyn loogu amaanay doorkiisa filimkaas iyo qaabka uu u jilay sanjay dutt