Ma Ogtahay In Atariishada Tabu Filimkii Ugu Horeesay Oo Ay Kasoo Muuqato Inuu Yahay Filimka Bazaar Sanadkii 1980

Tabu waa mid kamid ah atirishooyinka Bollywoodka ugu caansan iyo atirishooyinka 90-maadkii ugu soo jiidashada badnaayeen aadkana loo jeclaa inee aflaamta kasoo muuqdaan.

sidoo kale tabu waxa ay kamid tahay atirishooyinka ugu qaab jiliinka wanaagsan ee Bollywoodka soo mareen aflaamteeda 90-kii ugu caansanaayeen waxaa kamid ahaa Vijaypath, Hum Saathi Saathi Hain iyo kuwa kale oo badan

haddaba dad badan ayaan si fiican u aqoon sanadkii iyo filimkii ay kusoo caan baxday atariishada iyadoo dad badankood ay u maleeyaan in tabu filim jilista ay bilowday 90s

hadii aad midaas aaminsan tahay waa fikrad khaldan tabu waxa ay filim jilista bilowday iyadoo 9 sano jir waxa ayna kasoo muuqatay filim lagu magacaabo bazaar sanadkii 1980

tabu waxa ay fanka bollywoodka soo gashay sanadkii 1994 iyadoo kusoo caan baxday filimka lagu magacaabo pehla pehla pehla oo uu la waday aktarka rishi kapoor

ka dib markaas waxa ay tabu ka mid noqotay atariishooyinka loogu jecel yahay bollywoodka iyadoo sanadkii 1994 ku guuleysatay atariishada fanka ku cusub ee ugu wanaagsan waxa ayna abaal-marintaas ku qaadatay filimka lagu magacaabo vijaypath oo uu hogaamiyaha ka yahay aktarka ajay devgan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*