Ma Ogtahay Vicky Kaushal In Uusan Kusoo Caan Bixin Filmka Masaan Balse Film Kale Ka Horeeyay!!

Vicky Kaushal si fudud waxuu kamid noqday hader atoorayaasha ugu qaab jiliinka wanaagsan guulna u dheertahay maadama 2018 u guuleesteen 2 film kala ah Sanju iyo Raazi.

Raazi Super Hit ayuu u noqday xidigaan halka Sanju Blockbuster u noqday inkastoo labadan film uu door caawiye kulahaa hadana wadadii guusha ayee kutoosiyeen xidigaan halka 2019 iyo 2020 mashaariic heer sare ah la imaan doono.

Inta badan dadka waxay u maleyeen Vicky inuu filmkiisa kowaad ahaa filmka Masaan ee la daawaday sanadkii 2015 kaaso uu Director ka ahaa Neeraj Ghaywan balse sheekada sidaa ma ahan.

Vicky filmkiisa kowaad waxuu ahaa Luv Shuv Tey Chicken Khurana kaaso uu doorka Kunal Kapoor kujilay balse mashruucan Disaster ayuu noqday ganacsi ahaan ama film bur buray gabi ahantisaba.

Waana sababta Vicky loogu aqoonsan waayey inuu filmkaan filmkiisa kowaad yahay sababto ah dad badanba ma daawan dhanka shaqada hader waxaa u diyaarsan oo jimcadan tiyaatarada loo saari doona filmka  Uri.

Uri-The Surgical Strika waa film ka hadlaayo ciidamo Military ah oo India udhashteen kuwaaso dagaal u dhexmaray Pakistan argagixisada kujirtay sanakdkii 2016 waxuuna dagaaladan kudhexmaray Kashmir iyo Uri hadaba filmkaan dagaalkas ayaa looga hadli doona jimcadan aan aragno sida Vicky u dagaalamayo.