Ma Qiyaasi Kartaa Atooraha Hada Ka Hor Dhahay “Sonali Bendre Waan Guursan Lahaa Hadii Aan Xaasle Ahaan Laheyn!”

 

Sonali Bendre waxay ka mid ahayd 90-maadkii atirishada ugu shidan Bollywood-ka sidoo kalena mudo gaaban inta badan atoorayaasha Hindiya ugu caansan filimo kala duwan la sameeyeen.

Sonali Bendre hada ka hor atoore caan ah ayaa qarsan waayay jaceylka uu u qabo wuxuuna meel fagaaro ah ka yiri “Waan guursan lahaa Sonali Bendre hadii aan xaasle ahaan laheyn!!”

Hadalkaas wuxuu noqday in Bollywood Town gil gilay sidoo kalena Sonali Bendre wey dhibsatay kalmadaas ayadoo aad ooga fogaan jirtay wixii markaas ka dambeeyay inay atoorahaas la shaqeyso.

Atoorahaan caanka ah ee fudeedka qaaday qof kale ma ahan waa Govinda waxaana xusid mudan in Sonali filimkeedii ugu horeeyay Aag ay Govinda la sameesay sanadii 1994.

Kadib markii Govinda uu kasoo yeeray hadalkii ahaa inuu Sonali Bendre guursan lahaa hadii xaasle uusan ahaan laheyn xidigtaan wey ka fogaatay waxaana dhacday 6-sano kadib inay isla sameeyeen filimkii shactirada badnaa Jis Desh Mein Ganga Rehta Hai (2000).

Dhanka kale Sonali Bendre hader waxay kusugantahay New York halkaaso ay kula dagaalameyso cuddurka Kansarka oo laga helay ilaa bilawgii qarnigaan ayeena xidigtaan halkaas joogtaa laguna daweeynayaa.