Ma Xasuusata Atariishada Rinke Khanna Taaso La Dhalatay Twinkle Khanna  Hadda Xagee Ku Dambaysaa

rinke khanna waxa ay dhalatay 27 july sanadkii 1977 waana 41 sano jir atariishadan waxa ay aabo u ah halyeegii caanka ahaa ee rajesh khanna sidoo kale waxa ay walaalo yihiin atariishada lagu magacaabo twinkle khanna

rinke waxa ay sadex sano ka yar tahay walaasheeda twinkle khan rinke ka hor inta aysan fanka soo gelin waxa ay heysatay shahaado dhanka iyo dhaqaalaha ah iyadoo wax kusoo baratay dalka mareekan ka dib marka ay hindiya timaaday waxa ay go’aansatay inay ku biirto filim jilista

atariishadan waxa ay fanka bollywoodka soo gashay sanadkii 1999 iyadoo kusoo caan baxday filimka lagu magacaabo pyar mein kabhi kabhi waxaana la waday aktarka dino morea

rinke sidoo kale waxa ay sameesay dhawr aflaamood sida filimka jis desh mein ganga rehta hain kaaso ay la sameesay aktarka govinda , yeh hai jawla majunu, muche kuch kehna hai kani waana filimkeeda ugu weynaa ee lagu xasuusto atariishadan iyadoo door atariisho caawiye ku lahayd waxaana la daawadaysanadkii 2003

ka dib markaas waxa ay atariishadan jishay dhawr filimo kale kuwaaso dhulka galayn sida jhankaar beats iyo chameli

rinke khanna ka dib markii ku fashilantay doorkeeda atariishinimo waxa ay ugu damabayn go’aansaday inay iska guursato iyadoo sanadkii 2003 guurstay ganacsadaha weyn ninka lagu sameer saran

waxaana arooskooda uu ka dhacay dalka ingiriiska gaar ahaan caasimadiisa London waxaana ay iyada iyo sameer go’aansadayn inay halkaas ku noolaada waana labo lamaane isku faraxsan