Macluumaad insaanka ku saabsan kuwaasoo markii ugu horeysay aad maqli doonto.

Waxaa jiraan macluumaad badan oo ku saabsan insaanka kuwaasoo basharka intooda badan aysan ogeyn waxaana macluumaadkaan lagu ogaaday baaritaanadii insaanka lagu sameeyay.

Hadaba halkaan kaga bogo macluumaadka layaabka leh ee la helay.

1-Jirka insaanka wuxuu ka koobanyahay in kabadan 100kun oo Trillion oo unug.

2-layaabkuse wuxuu yahay in Bakteeriyada jirka banii aadamka ku jirto ay kabadantahay Unugyadaas.

3-insaanka qaangaarka ah wuxuu maalintii neefsadaa 20kun oo jeer.

4-si lamid ah insaanka qaangaarka ah maalinkasta wuxuu soo saaraa celcelis 1.4 litir oo kaadi ah.

5-Biyaha waxay qofka qaangaarka ah jirkiisa ka matalaan in kabadan 50%.

6-lafta ugu yar ee jirka banii aadamka ku jirto waxaa laga helaa dhagta dhexdeeda halka lafta ugu weyna ay tahay bowdada.

7-Jirka insaanka wuxuu soo saaraa candhuuf badan markii uu qofka matagi rabo  si afka uu uga ilaaliyo aashitada mataga.

8-waxaa macquul ah in insaanka uu marmar gaaro ilaa sideed isbuuc asigoon wax raashiin cunin wuxuuna waqtigaas jirka ku tiirsanaan doonaa xeyrta jirka dhexdiisa laga helo balse mudo 3 maalin kabadan biyo la’aan manoolaan karo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*