Macluumaad Ku Saabsan Diinta Islaamka Akhriso In Badan Ka Faaideyso!!

1-Ma ogtahay dhulka iyo cirka inee isku dhaganaayeen markii hore balse hab qarax ah ayaa loo kala furay (Big Bang) Alle-na 1400 sano kahor ayuu inoo sheegay arinkaan majirin markii hore samooyin 7 ah iyo dhul 7 ah hal kaliya ayee ahaayen balse qaraxii awooda Alle ayee ku kala furmen kadibna noqdeen kuwa 7 cir ah iyo dhulkii.

2-Habeenka iyo maalinka waxaa la hor abuuray habeen waxaana sidaa sheegay saxaabiga Cabdullahi Binu Cabaas R.C sababto ah markii ay dhulka iyo cirka isku dhaganaayen majirin wax iftiimiya (Qorax) oo waxay ahed mugdi (Habeen) waa mucjiso sida uu kaga jawaabay Ibnu Cabaas Alle haka raali noqdee.

3-Ma ogtahay Dabeesha inee abuurto Daruuraha kadibna ay bacramiso daruuraha sidaasna roobka ku yimaado sido kale daruuraha isdul saaran ayaa dhaliyaan qabowga iyo hilaaca.

4-Adigoo sujuudsan hadaa duceysato waa xiliga ugu wanaagsan inta badana ducadaas waa la aqbalaa marka badi ducada sujuuda dhexdeeda oo ku daah sujuuda dambiyadana waa lagu jafaaye.

5-waxyaabaha haweenka jannada ay ku galaan waxaa kamid ah ayagoo nimankooda baari u noqda xaqee ku leeyihiina si wanaagsan u guto Allena waxuu dumar ugu jecelyahay kuwa u baari fala nimankooda.

6-Fadliga Cuthmaan Binu Cafaan waxaa kamid ah inuu Nabiga SCW yiri”Nabi walba jannada rafiiq ayuu ku leeyahay (Saaxiib) ana saaxiibkeyga Jannada waa Cuthmaan Binu Cafaan” yaa ka nasiib badan saxaabigaas Alle haka raali noqdee isagoo Jannada loogu bishaareeyay ayaa hadana uu saaxiib kula noqona Jannada Nabi Muxamed SCW.

7-Dumarka wax dhaxla 4 xaaladood ayaa loo kala qaada mar gabadha waxay dhaxlee kala bar inta Ragga dhaxal ahaan u qaato, mar waa isku mid dhaxalka Ragg iyo Dumar marna Dumarka ayaaba ka dhaxal badan Ragga marna Dumarka kaliya ayaa wax dhaxlaan halka Ragga waxba dhaxleeynin.
Arinkaan faah-faahinteda waa dheertahay maqaal gaar ah ayaan kasoo qori doonaa.

8-Saxaabiga kaliya ee jinn la tartamay waa Cumar Binu Khadaab R.C isaga iyo Jinnka kii ugu xooga badnaa waqtigaas ayaa tartameen waxaana guusha qaaday Cumar oo sedex jeer ayaa Jinnki dhulka lagdin lagu dhigay cajiib!!

9-Labada Aayadood ee u dambeysa suuratul Baqrah waxay ka hortagaan sharka shayaadiinta (Jinnka iyo Insigaba) waxaana sidaas sheegay Nabi Muxamed SCW waxaana wanaagsan habeen walba hurdada kahor inaa labadaas Aayadood Akhrisato.

10-Dambiyada ugu waaweyn ee Alle laga galo waxaa kamid ah in aad gabar dhowrsoon oo wanaagsan ku tilmaamta mid zineysata sido kalena macsi kujirta had iyo jeer waa dambi weyn oo sida lagu cafiyo ay adagtahay.

Qodobka Ku Cajab Galiyay Nala Wadaag..

Walal Ha Ilaawin Inaad Hal Xayeysiin Oo Ku Dhufato Xayeysiimaha Noocyada Kala Duwan Sida Cunooyinka, Agabka Guryaha, Games Kala Duwan Sawirada Kusoo Baxaan Mid Kamid Ah Kudhufo Mahadsanid…

3 Comments

  1. Mahadsanid wll waan kawada helay inta igu cusubna waan ka faa iidasadoona inta igu cusub alle hakaa abaal mariyo

  2. Mash allah waan kahelney fadlan noso badi ramaadka ayaa lagaleya. allah nabad dhamaanteena hanagu gaarsiyo.
    Adna hajar allah haga siiyo

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*