Home Nolosha Jilayaasha Macluumaad Kusaabsan Atooraha Ugu Weyn Turkiga Dhanka Musalsalada Kivanc Tatlituk!!

Macluumaad Kusaabsan Atooraha Ugu Weyn Turkiga Dhanka Musalsalada Kivanc Tatlituk!!

 

Kivanc Tatlitug waa atooraha ugu caansan turkiga taariikh ahaan dadka qaarna waxay u yaqaanan magaca Muhannad oo uu ku caan baxay waa jilaa reer Turki ah aadna looga jecel yahay daafaha caalamka.

Atooraha wadanka Turkiga kasoo jeedo kaaso lagu magacaabo Kivanc Tatlitug waa atoore caan ah inta badana sameyo musalsalo Turkish ah xidigaan wuxuu dhashtay sanadkii 1983 bishii Oct 27 waan xidig aalaba sameyo musalsalada Turkiga ah ee maanta dadka aadka uxiiseyaan.

Xidigaan waxuu guursaday gabadha lagu magacaabo Başak Dizer sanadkii 2016 walina wax caruur ah uma dhalin waxuuna dhowr jeer sheegay inuu sugi la’yahay goorta uu aabo noqon doono.

Waxuu sameeyay aflaam badan ama musalsalo badan taaso uu shacbiyad badan ku helay qaar kamid ah musalsaladiisa Soomaaliya we soo gaareen wana sababta uu taageero badan ugu leeyahay dalka Soomaaliya.

wuxuu jilista ama ka shaqeynta Tv yada bilaaway sanadkii 2005 asigoo bilaaway musalsalkiisa caanka ahaa ee Gumus (Silver).

musalsalkaan ayuu duubayey ilaa sanadkii 2007 taaso micnaheeda ah in uu duubayey musalsalkaan mudo 2 sano ah, waxaa u xigay Menekse Ila Halil oo asna uu hogaamiyaha ka ahaa kaasona socday 2007-2008 waana musalsalkii labaad ee uu sameyo xidigaan.

wixii intaa kadambeyay caan ayuu sii noqday markale ayuu sanadkii 2008 la yimid musalsalkii uu dunida oo dhan kaga yaabsaday kaasona ahaa Forbidden Love ama jaceyl mamnuuc ah.

maadama uu Musalsalkaan ku jilaayey wiil jeclaanayo adeerkiisa gabadha uu qabo sidaa awged ayaa loogu bixiyay jaceylkii mamnuuca ahaa waana musalsal caan ah oo dadka inta badan u garanayaan Samar wuxuuna socday 2008-2010.

sanadkii 2011 ayuu la yimid musalsalkii uu markale hogaamiyaha ka ahaa ee Kuzey Güney kaaso asna la daawanaayey inta u dhaxeysay 2011-2013.

Ugu dambeyn Musalsalkiisa udambeyay ee soobaxa kaasona lasameyay 2016-2017 ee lagu magacaabo Cesur ve Güzel micnahiisuna yahay Geesiga iyo quruxleyda waa musalsal cusub oo hadeerba la daawado dadkana ay inbadan la socdaa.

Walal Ha Ilaawin Inaad Hal Xayeysiin ku dhufatoXayeysiimaha Noocyada Kala Duwan Sida Caunooyinka, Agabka Guryaha, Games Kala Duwan Sawirada Kusoo Baxaan Mid Kamid Ah ku dhufo Mahadsanid…




WARARKA UGU DANBEEYAY

Wararkii ugu dambeeyay Koonfur Hindiya: Tamil, Telugu, Malayalam iyo Kannada maxaa ka jiro

  Maalin wanaagsan dhamaan aqristayaasha shabakada Filimside ku xiran kuna soo dhawaadao barnaamijkeena aan idin kula wadaagno warbixino kooban oo ku saab saabsan dhanka fanka...

Ahan Shetty iyo Tara Sutaria filimkooda Tadap oo dib u dhac ku yimid duubistiisa

  Ruug cadaa Suniel Shetty wiilkiisa Ahan Shetty waxaa lagu soo caan bixinaa filimka Telugu ah ee Blockbuster-ka weyn noqday RX 100 oo loo bixiyay...

Rasmi: Filimka The Lion King iyo Isniintiisa kowaad ganacsiga weyn uu sameeyay

  Filimka Hollywood-ka ah The Lion King ayaa hoos u dhac 30% sameeyay Isniintiisa kowaad ganacsi ahaan marka lala bar bar dhigo Jimcadiisii kowaad lacagaha...

Rasmi: Filimka Super 30 iyo ganacsiga adag uu sameeyay Isniintiisa labaad

  Superstar Hrithik Roshan filimkiisa Super 30 ayaa ganacsi adag sameeyay Isniintiisa labaad wuxuuna keenay 3 Crore ($434k) waxayna ka dhigan tahay mudo 11-maalmood ah inu soo...