Nolosha Jilayaasha WARARKA MAANTA

Macluumaad Xiiso Leh Oo Bollywoodka Kusaabsan In Badana Aad Ka Heli Doontid!!

 

1-Filmkii ugu horeeyay ee Bollywood la dawaado waxuu ahaa Raja Harishchandra waxaana la daawaday 1913 waana filmkii ugu horeeyay dalka India sameyeen waxuuna ahaa film cod aan laheen kaliya aamusnaan ah maadama adeegsiga aflaamta codka iyo music-yada gadaal dambe laga keenay.

2-Ma ogtahay Dilwale Dulhania Le Jaayenge inuu yahay filmka ugu weyn taariikhda Bollywoodka dhanka filmada jaceylka isaga ayaana hogaanka u hayo aflaamta jaceylka waa film aad loo jecelyahay oo la daawaday 1995.

3-Filmkii ugu horeeyey ee Computer Graphics loo isticmaalay muuqaalo kamid ah ama aalada VFX hader loo yaqaano waxuu ahaa filmkii Gentleman balse filmka guud ahaantiisa loo wada isticmaalay aaladan waxuu noqday Ammoru oo ah film Telugu lana daawaday 1995.

4-Caalamka dhanka Fanka India hal nin kaliya ayee ka aqoon sanyihiin waana Mega Star Amitabh Bachchan micnaha waxay aaminsan yihiin qof ka darajo sareyso in uusan jirin waana sax midaa waxay u bixiyeen “One Man of India.”

5-Taariikhda fanka hindiya afar atiriisho ayaa dhanka Bollywoodka darajada SUPER STAR-nimo gaareen kuwaaso kala ah MumtaZ, Hema Malini, Sridevi iyo Madhuri Dixit inta kale darajooyinka Star ama xidig ayee ku ekaadeen balse afartaan wax aan caadi aheyn ayee la yimadeen.

6-Ma ogtahay atiriishada Soundarya ee koonfur kasoo jeeda misane atiriisho ka noqotay filmka Souryavansham ee labo cali dheere goore goore inee shil diyaaro ku geeriyootay sanadkii 2004.

7-Sridevi waxay u geeriyootay habkii Divya Bharti oo kale sababto ah Divya iyadoo qamir cabtay ayee dabaqa daaqadeeda fariisatay balse markee kasoo kaceysay ayee miisaankenda celin weysay taaso kaliftay inee dabaqa kasoo dhacday inkastoo warar xan ah sheegen in laga soo tuuray.

Sido kale Sridevi waxaa la sheegay inee qamriga iska badisay kadibna ay kudul dhacday biyo waaskada musqusha ah kadibna ay awoodi weysay inee ka dhex baxdo sidaasna biyaha ugu hafatay inkastoo warar xan ah sheegen in dil qorsheeysan uu  ahaa.,

8-Filmada Bollywoodka sameyeen ee soomaalida dhankeeda Blockbusters ka noqdeen balse Box-office-ka India ka guul dareesteen waxaa kamid ah Dil Hai Tumhara (Filmka Preity eedada), Naseeb (Govinda), Albela (Govinda, Aishwarya iyo Jackie Shroff), Gair (Ajay Devgn filmkii wecelka), Kahin Pyaar Na Ho Jaaye (Salman Khan iyo Rani Mukerji) hubaa ahaan mashaariicdan Soomaaliya Blockbuster ayee ka yihiin sida loo jecel yahay aawged.

9-Ma ogtahay inuu jiro film Akshay Kumar uu mas noqonaayo waxaa la dhahaa filmkaa Hatya-the Murder sanadkii 2004 ayaana la daawaday waa film bur buray sheeko macquul aheena kuso bandhigeen iyo Akshay Kumar oo mas isku bedelaayo.

10-Amrish Puri (Saalimsey ama indho caag) waa kaabo laadarka ugu weyn taariikhda Bollywoodka dhanka shaashadana aad loogu amaanay doorkiisa xumaanta.

Hadana saas ee tahay waligiis halmar kaliya ayuu ku guulestay abaal marinta Filmfare qeybta laadarka ugu wanaagsan waa arin cajiib ah..

Qodobkee ka heshay walala ama  kaa yaabiyay qodobada sarre kuxusan…

Walal Ha Ilaawin Inaad Hal Xayeysiin ku dhufato Xayeysiimaha Noocyada Kala Duwan Sida Cunooyinka, Agabka Guryaha, Games Kala Duwan Sawirada Kusoo Baxaan Mid Kamid Ah ku dhufo Mahadsanid…

Related posts

Mouni Roy Oo Baraha Bulshada Lagu Fadeexeystay Kadib Qaliinkii Wajiga Ay Ku Sameeysay Oo Fashilmay!!

Ali Aadan

Varun Dhawan oo isha ku haya in shaqo aan filim-jilista aheyn uu ka qabto Bollywood, xitaa afkiisa ayuu ka qirtay!

Jabriil Abdikadir

WAA KUMA DR. ZAKIR NAIK? akhriso warbixin ku saabsan.

Jadwalka Ardayga Waqti iyo Lacagba Lumiyay: Caajisoole Dhib Ayaa Heesto!!

Ali Aadan

Maxaa Ka Taqaana Rami Reddy (Waaq Waaq) Laadirkii Xumaanta U Saaxiibka Ahaa

Jabriil Abdikadir

Rasmi: Filimka De De Pyaar De iyo mudo labo todobaad ah ganacsiga uu sameeyay

Zakarie