Macluumad Ku Saabsan Atirishada Nia Sharma (Aarohi) Ee Hogaamineysa Musalsalka Ishq Mein Marjawan (Jaceyl Dilaa Ma Noqdaa) (+Sawiro)

 

Nia Sharma waa mid kamid ah atirishooyinka Tv-yada dalka India ugu caansan sido kalena ka howl gasha waqtigaan iyadoo musalsalo badan sameeysay waxaana ugu caansan midkeeda ay hader duubeyso Ishq Mein Marjawan.

Nia Sharma magaceeda dhabta ah waa Neha Sharma balse wey soo gaabsatay oo Nia ayee la baxday markee shaqada Tv-yada soo galeysay sanadkii 2010 xiligaaso ay sameeysay musalsalkeeda kowaad Ek Hazaaron Mein Meri Behna Hai.

Nia waxay dhalatay 17 September sanadkii 1990 haatana waa 28 jir kana soo jeeda Delhi maadama qoyskeeda reer Delhi yihiin sanadkii 2016 waxay kaalinta 3-aad ka gashay 50 gabdho ugu shidan qaarada Asia.

Sido kale sanadkii hore 2017 waxay kaalinta 2-aad ka gashay 50 gabdho isla qaarada Asia ugu shidan uguna soo jiidasho badan waa atirisho dhowr jeer ku guulesatay tartan qurux siyaabo kala duwan ah.

Nia waxa la dhashtay hal wiil oo ka weyn xidigtaan hader waxay duubis kuwadaa musalsalkeeda daafaha caalmaka laga daawanayo ee Ishq Mein Marjawan kaaso ay doorka Aarohi kujileyso waana atirishada ugu doorka weyn filmka dhib walbana mareyso.

Nia waxay soo dhameesatay kuliyada Mass Communication oo ay jaamacad Delhi ku taalo Master kaga soo qaadatay sido kale xidigtaan diinta hinduuga ayee heysataa waa 28 jir wali aan la guursanin doobna ah wax u diiwan gashan dhanka xidigaha ay Bollywoodka ka taageerto majiraan.