Madadaalada Maanta: Juxa Iyo Hooyadiisa Maxaa Kala Heysta Sheeko Qosol Badan

 

caawa waxaan diin heynaa sheeka kamid ah sheekooyinka Juxa horeyna aad umaqasheen.

Sheekoyinka Juxa waa kuwa inta badan dadka ku madadaalan waayo waa shaqsi noloshiisa dhabta ah sidaa soo aheyd halka sheekoyin qaarna laga sameyay mala awaal ahaan.
hadaba maadama maanta ay Jimco tahay aqristayaashena waxaan ku madadaalineena mid kamid ah sheekoyinka juxa aqris wacan.
Maalin maalmaha kamid ah ayaa Juxa hooyadii waxay kutiri,’Hooyo maanta waxaan rabaa inaa duceysano ee lacagtaan qaad oo suuqa neef Arri ah inooga soo iibi.’

Juxa ayaa warka hootadi sidhaqsi ah ku qaatay asigoo wixi loo diray doonay, Juxa markii uu suuqa tagay wuxu soo gaday Neefkii Arriga ahaa asigoo iskudayay inuu soo qaado.
Dhib iyo rafaad badan wuxuu kusoo jiroba ugu dambeyn Neefkii Arriga aha ee loo diray ayuu keenay asigoo tacbaan ah.

Juxa ayaa hooyadii ku qabsatay sababta kukaliftay in uu Neefka soo qaado bedelkeedna uu Xarig suuqa intuu ka gato neefka kusoo kaxeyn waayey asigoo qoorta xariga u suraayo.
Balse Juxa ayaa ka cudurdaartay arinkaa mana uusan kufikirin arinkaa ay hooyadii u shegtay, hase ahaate maalin kale ayee Juxa hooyadi markale u dirtay suuqa si uu markaan usoo gado Digaagad.
Juxa ayaa suuqi tegey soonagaday Digaaga dii loo diray balse markaan wuxuu horey usoo gatay Xarig kadibna Digaagadii ayuu Surka u suray wuuna soo kaxeyay.

Guriga markuu yimid ayee hooyadii aragtay Digaagadii oo qorta xarig ugu jira misana Baqtiday, Juxa Hooyadi markee ku qabsatay arinkaa wuxuu ku jawabay, ‘hooyo adiga ayaa i yiri sidaa yeel oo xarig ku soo kaxeey.’

Walal Ha Ilaawin Inaad Hal Xayeysiin Click Kusiiso Xayeysiimaha Noocyada Kala Duwan Sida Cunooyinka, Agabka Guryaha, Games Kala Duwan Sawirada Kusoo Baxaan Mid Kamid Ah Click Kusii Mahadsanid…!

1 Comment

  1. Asxabay shkoyinkii aad soo gudbin jidheen miyaad joojiseen modo 18 maalmod ah ma aydnaan soo gudbin fadlan macaamishina sida adka ah idinkugu xiran ayaan ka mid ahay ee cilada jidha inoo sheega hadaa shekoyinki jiniga iyo kun haben joojisee iyo hadii cilad farsamo jidho malin hore ayaan su.ashan o kalee idin waydiyay mr zaki ayaa igu yidhi asbuci 2 maalin ayaa shekoyinka la so galiyaa lkn taasi xaqiiq ma aha waayo 8 february ayaa ugu danbaysa kun habee mida jiniguna waaba kasii horeysay taas 1bil ma hayno ee fadlan sida wax u jiraan iga jawaaba pls thanks

Comments are closed.