Madonna, Chris Rock iyo Ben Stiller ka mid ah dadka caanka ah ayaa waxa ay doonayaan Inay bixiyaan lacag dhan $ 100,000 si ay ugu deeqaan dhibanayaasha weerarkii argagixiso New Zealand

Waxa la bilaabay olole kaaso lagu taageeraayo qoysaskii ay saameeyeen musiibadii ka dhacay labo masaajid ku yaala dalka New Zealand’s kuwaaso hadda qoysaskooda ay ku sugan yihiin waqti aad u adag, waana dhacdo reebay saamayn weyn

waxaana hadda wakiilada caalamka ay biilaabayn inay lacago kasoo uruuriyaa  shaqsiyaadka caalamka si lacago loogu deeqo qoysaska ay waxyeeladu kasoo gaartay weerarkan argagixiso

Madonna, Chris Rock, Josh Brolin, Judd Apatow, iyo Ben Stiller ayaa ka mid ah shaqsiyaadka ugu caansan caalamka  ayaa markan waxa ay go’aansadayn inay caawiyaa  dadkii ay waxyeelada kasoo gaartay weerarkii dhawaan lagu qaaday labo masaajid ku yaala dalka New Zealand’s

shaqsiyaadkan caanka ah kuwaaso isugu jira jilaa, heesaa iyo shaqsiyaad kale oo badan ayaa waxa ay lacago ugu deeqay ururka la magac baxay “GoFoundMe” iyagoo doonayaan in la uruuriyo lacag  dadkii dhibaatada ay kasoo gaartay qaraxii ka dhacay masaajidkaas kaaso lagu dilay 50 qof sidoo kale ay halkaas ku dhaawacmayn dad badan

ilaa hadda ururka “GoFundMe “waxaa lagu deeqay  lacag gaaraya $100 kuwaaso ka kala yimid shaqsiyaad caan oo ay ka mid tahay gabadha heesaaga ah ee Madonna taaso ah shaqsiga bixiyay kacaga ugu badan iyadoo bixisay lacag dhan $10,000 sidoo kale waxa ka mid ah Shaqsiyaadkaas shactiroolaha lagu Chris Rock  kaaso bixiyay lacag dhan $9,000

sidoo kale waxaa liiskan soo galay filim soo saaraha caanka ah ee Micheal Rapino kaaso iska leh shirkada qarash-garaysa  aflaamta ee Live Nation Entertainment isagoo ururkaas ugu deeqay lacag $5,000

haddaba hoos ka eeg shaqsiyaadka lacagaha ugu deeqeen Ururka “GoFundMe “

1. Madonna

2. Chris Rock

3. Michael Rapino

4. Ben Stillar

5. Josh Brolin

6. Ashton Kutcher

7. Judd Apatow

8. Ava DuVernay