CIYAARAHA WARARKA MAANTA

Manchester City oo ku dhaw in 125M ku iibsato labo xidig oo ka tirsan kooxda Leicester City.

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa lagu soo waramayaa in ay dooneyso labo xidig oo ka tirsan kooxda Leicester City sida ay qoreyso shabakada Goal.

Macalinka kooxda Manchester City Pep Guardiola ayaa madaxa u ruxay in kooxda sanadkaan lagu soo biiriyo Harry Maguire iyo sxbkiis ay isku kooxda yihiin ee Ben Chilwell.

Manchester City ayaa mudooyinkaanba raadineysay daafacii ay ku buuxin laheyd booskii uu baneeyay halyeygooda Vincent Kompany waxayna badalka ugu muhiimsan u arkaan daafaca kooxda Leicester City ee Harry Maguire kaasoo heshiiskiisa uu ku kici doono 75M oo Ginni.

Sidoo kale daafaca dambeedka bidix ee kooxda Leicester City Bin Chilwell ayaysan asna heshiiskiisa ka yareyn 50M waase hadii uu bixitaankiisa ogolaado macalinka reer Irish ee Brendan Rodgers.

Sida shabakada sheegtay maadaama macalinka Pep Guardiola uu doonayo xidigahaan sidoo kalana City lacagta diyaar latahay caqabada kaliya ee taagan ayaa ah macalinka kooxda Leicester City Brendan Rodgers inuu u ogolaado xidigahaan in kooxda ka tagi karaan waxayse u muuqataa mid aan dhici Karin maadaama macalinkaan uu dhawaan sheegay in xidigahaan marnaba iib aheyn.

Related posts

Qalaas Aarohi Oo Dhalo Caloosha Ka Gashay Dhiig Badana Ka Yimid, Netra Wey Geeriyootay, Deep Cidna Kama Guuleysan Karto Iyo Warar Kale!!

Ali Aadan

Cajiib Katrina Kaif Oo Muddo Labo Sano Kaliya Ay Ku Qaadatay Inay Ku Dhaaftay Salman Khan Taageeraasha Barta Instagramka

Jabriil Abdikadir

Marka Nolosha Jaceylka La Joogo Kareena Kapoor Iyo Priyanka Chopra Arinkaan Ayee Ka Simanyihiin!!

Ali Aadan

Sonam Kapoor Oo Dhulka La Gashay Vivek Oberoi Kadib Sawirkii Hadal Heynta Dhaliyay Ee Uu Baraha Bulshada Soo Dhigay Shalay!!

Ali Aadan

Daawo: Dembele oo loo digay City, Liverpool iyo Inter dhaq dhaqaaqa ay wadaan iyo maxaa cusub:

Zakarie

Daawo: Caawo iyo Kooxdaada Maxaa Ka Cusub 30 May 2019

Zakarie