Manikarnika, Kesari,Takht Iyo Filmada Taariikhiga Ah Bollywoodka Diiwaangashten Ilaa 2020 (+Sawiro)

Waxaad mooda Bollywoodka wadadii ganacsiga inee haleelen sanadkii 2018 ganacsiga ay sameesteen ayaa ka kaafiyay qasaarihii 2017 inkastoo 2018 guuldarooyin waaweyn ay la kulmeen iyo aflaam waaweyn oo bur bureen.

Balse marka aad u fiirsato mashaariicda diiwaangashan ee Bollywoodka la imaan doonan sanadkaan 2019 iyo kiisa kale 2020 waad hilmaami doonta wacdarihii Box-office-ka ka dhacay sanadkii hore 2018.

Waxaa u diwaangshan oo la daawan doona aflaam badan balse kuwa ugu waa weyn ama fariimaha taariikhiga ka hadlaay ayaan qaar kamid ah idiin soo qaadan doona.

Halkaan hoose kaga bogo Bollywoodka iyo filmada taariikhiga ah ama dhacdo dhacday laga sameenayo film ahaan…

Manikarniga-Queen of Jhansi:

manikarnika

Waxaa hogaamiso ka ah Kangana Ranaut waxaana looga hadlaa nolosha boqoradii Jhansi ka talin jirtay Rani Laxmi Bai waxaana la daawan doona 25 bishaan Janaayo 2019.

Kesari:

Akshay-Kesari

Waxaa hogaamiye ka ah Akshay kumar waxaana looga hadlaa nolosha Havaldar ishar Singh kaaso ah halgamaa hindi una dagaalamay dagaalkii Saragarhi isagoo watay 21 nin oo siinga siinga ah waxuuna la dagaalay gumeestaha ingiriista mashruucan waxaa la daawan doona 10 Mar 2019.

Kalank:

kalank

Waxaa wada hogaaminayan 6 jilaa oo caan ah sida Varun, Alia iyo kuwa kale waana sheeko jaceyl oo arimaha qoyska ka hadleyso misane lagu lifaaqay xiligii kala guurka hindiya iyo Pakistan oo ay kala go’aayen 19 Arpil ayaa lasugaya.

Panipat:

Panipat film

Waxaa hogaamiye ka ah Sanjay Dutt waana film boqortooyo taariikhi ah loogana hadlaayo dagaalkii 3-aad ee Panipat kaaso ka dhacay waqooyiga India waxaana la daawan doona 6 Dec 2019.

Rannbhoomi:

Rannbhoomi

Fariin ahaan waa film dagaal iyo jaceyl isku dhexjiro ah oona ka hadlaayo aargudasho waxuuna Varun Dhawan oo hogaamiye ka ah ku jilaa dagaal yahan weyn waana mashruuc taariikhi ah ayadoo la daawan doono Diwali 2020.

Takht:

takht

Xidigo badan ayaa hogaaminayaan sida Ranveer, Alia, Kareena iyo kuwa kale waana film ka hadlaayo boqortooyaidi Mughal ee muslimka ahed qarnigii 15-aad taliskeeda ka jiray India iyo qeybo kamid ah Asia waxaan la daawan doona 2020.