Maqaal: 28-maalmood gudaheeda 6-filim waa weyn ayaa tiyaatarada ku qabsan doonaan

Sanadkan 2019 Bollywood-ka si wanaagsan ayuu ugu bilaawday madaama filimka Uri uu Blockbuster noqday kaasi oo uu hogaamiye ka yahay Vicky Kaushal balse mashquulka rasmiga ah ee Bollywood-ka wuxuu bilaaban doonaa 25-ka bishan Janaayo ilaa 22 Febraayo markaas oo Jimco walbo filim weyn oo jilaayaal caan ah hogaamiyaal ka yihiin tiyaatarada la saari doono.

Waa macquul in ganacsiga 5-ta filim ee Jimco walbo isku xig xigaan la saarayo is cuna qabateeyaan haddana waa macquul filim walbo haddii fariintiisa wanaagsanaato inuu daawadayaashiisa sameesto, sidaa darteed waxa xiga lagama hordhici karo laakiin xaqiiqada jirto aan idinla wadaagno oo ah in 28-maalmood gudaheeda 5-filim tiyaatarada la saarayo:

25 Jan 2019: Manikarnika – The Queen Of Jhansi waxaa hogaamiye ka ah Kangana Ranaut.

25 Jan 2019: Thackery waxaa hogaamiye ka ah Nawazuddin Siddiqui.

1 Feb 2019: Ek Ladki Ko Dekha Toh Aisa Laga waxaa hogaamiyaal ka ah Anil Kapoor, Juhi Chawla, Sonam Kapoor iyo Rajkumar Rao.

8 Feb 2019: Sonchiriya waxaa hogaamiyaal ka ah Sushant Singh Rajput, Bhumi Pednekar, Manoj Bajpayee iyo Ranvir Shorey.

14 Feb 2019: Gully Boy waxaa hogaamiyaal ka ah Ranveer Singh iyo Alia Bhatt.

22 Feb 2019: Total Dhamaal waxaa hogaamiyaal ka ah Ajay Devgn, Anil Kapoor, Madhuri Dixit, Johnny Lever, Arshad Warsi, Javed Jaffrey, Riteish Deshmuk. Waxaana goos gooskiisa lasoo bandhigi doonaa 21-ka bishan Janaayo ama maalinta berito ah.

Fadlan shabakada Filimside Rukumo si Warbixin walbo aan soo daabacno Notification ahaan kuugu soo dhaco.