Maqaal BOI: 17-filim ayaa HIT ka noqdeen TV-yada oo 2018 la daawaday arin kale oo xiiso badan

2018 waa sanad u barwaaqo Bollywood-ka haddii ay noqon laheyd dhanka tiyaatarada iyo TV-yada aflaanta laga daawaday waxayna shabakada Boxoffice India (BOI) soo daabacday in sanadkii tagay 2018 ay dhacday 17-filim HIT ka noqdeen dhanka TV-yada oo qoysaska guryahooda aflaanta kusoo dhaweeyeen.

Dhadak oo ay wada jileen Ishan Khatter iyo Jhanvi Kapoor ayaa noqday filimka 2018 loogu daawasho badan yahay dhanka TV-yada fagta kowaad ee hawada lagu soo fasaxay (First Impression), balse sida guud 2018 waxaa TV-yada wacdaro waali ah ka dhigeen Tiger Zinda Hai, Golmaal Again iyo Baaghi 2 kuwaas oo marar kala duwan daawashadooda Satelite-ka lagu soo cel celiyay taasi oo sababtay in mid walbo in ka badan 50-milyan oo qoys guryaha ku daawadeen madaama 6 ilaa 7-jeer lagu soo cel celiyay daawashadooda.

Tiger Zinda Hai, Golmaal Again iyo Baaghi 2 waa sedex BLOCKBUSTER dhanka TV-yada ka noqdeen halka  Dhadak iyo Stree SUPERHIT ka noqdeen dhanka TV-yada, dhamaan aflaanta kale ee soo hartay ee TV-yada 2018 wacdaraha ka dhigeen waxay noqdeen HIT marka laga reebo Padmaavat, Gold iyo Raazi madaama sedexdaan filim qoysaska soo dhaweyn waayeen inkastoo tiyaatarka ay guulo wacan ka gaareen.

Fadlan hoos kaga bogo 20-ka filim ee TV-yada loogu daawasho badnaa 2018 ayadoo 17-filim ugu horeyso HIT dhameestiran ka noqdeen TV-yada madaama qoysaska siweyn usoo dhaweeyeen waxaana ku jiraan aflaan qaarkood Boxoffice-ka ama tiyaatarka FLOP ka noqdeen laakiin TV-yada siweyn looga soo dhaweeyay:

1. Dhadak – 18-milyan iyo 316,000 qoys ayaa daawadeen (SUPERHIT)

2. Golmaal Again – 16-milyan iyo 352,000 qoys ayaa daawadeen (BLOCKBUSTER)

3. Baaghi 2 – 16-milyan iyo 145,000 qoys ayaa daawadeen (BLOCKBUSTER)

4. Tiger Zinda Hai – 13-milyan iyo 704,000 qoys ayaa daawadeen (BLOCKBUSTER)

5. Stree – 12-milyan iyo 329,000 qoys ayaa daawadeen (SUPER HIT)

6. Padman – 8-milyan iyo 642,000 qoys ayaa daawadeen (HIT)

7. Parmanu – The Story of Pokhran- 7-milyan iyo 910,000 qoys ayaa daawadeen (HIT)

8. Sanju – 7-milyan iyo 795,000 qoys ayaa daawadeen (HIT)

9. Raid – 7-milyan iyo 471,000 qoys ayaa daawadeen (HIT)

10. Yamla Pagla Deewana Phir Se – 6-milyan iyo 976,000 qoys ayaa daawadeen (HIT)

11. Sonu Ke Tito Ki Sweety – 6-milyan iyo 497,000 qoys ayaa daawadeen (HIT)

12. Sui Dhaaga: Made In India – 6-milyan iyo 400,000 qoys ayaa daawadeen (HIT)

13. Hichki – 6-milyan iyo 360,000 qoys ayaa daawadeen (HIT)

14. Genius – 6-milyan iyo 301,000 qoys ayaa daawadeen (HIT)

15. Badhaai Ho – 6-milyan iyo 86,000 qoys ayaa daawadeen (HIT)

16. Secret Superstar – 6-milyan iyo 41,000 qoys ayaa daawadeen (HIT)

17. Padmaavat – 5-milyan iyo 523,000 qoys ayaa daawadeen (HIT dhameestiran ma uusan noqonin)

18. Fukrey Returns – 5-milyan iyo 3,05000 qoys ayaa daawadeen (HIT)

19. Gold – 5-milyan iyo 66,000 qoys ayaa daawadeen (HIT dhameestiran ma uusan noqonin)

20. Raazi – 4-milyan iyo 879,000 qoys ayaa daawadeen (HIT dhameestiran ma uusan noqonin)

F.G: Filim walbo waxaa loo xisaabiyay fagta kowaad ee hawada ama Satelite-ka lagu soo daayay (First Impression Rating) ee mala isugu darin inta jeer ee lagu soo cel celiyay dalabaadkiisa.

Waxaa kaloo xusid mudan filimada qaar sida Secret Superstar, Fukrey Returns, Tigere Zinda Hai iyo Golmaal Again waxaa tiyaatarada la saaray 2017 balse TV-yada waxaa laga daawaday 2018 waana sababta xisaabta loogu soo saray aflaanta 2018 HIT ka noqdeen TV-yada madaama Satellite-ka ama hawada lagu soo fasaxay 2018.

Waa Maxay Muhiimada Ay Leedahay Filim Inuu TV-yada Ka Gadmo:

Xiligaan la joogo waxaa sii yaraanayaan dadka tiyaatarada u daawasho tagaan madaama qiimaha tikit-ka tiyaatarka lagu iibsado sanad walbo si joogto ah sare loogu sii qaadayo.

Sidaa darteed jilaayaasha wax weyn ayay u tahay in filimkooda TV-yada laga soo dhaweeyo madaama qoysaskii tikit-ka tiyaatarka u iibsan waayeen guryahooda filimka ku daawanayaan.

Sidaa darteed jilaaga filimkiisa daawadayaasha ugu suura gali weesay inay tiyaatarka ka daawadaan waxaa faa’iido weyn ugu jirto inay qoysaska guryahooda filimkiisa kusoo dhaweeyaan taasi waxay ka caawineysaa mustaqbalka mashaariicdiisa xigaan in dad badan tiyaatarada usoo daawasho tagaan.

Dhamaad,

Fadlan shabakada Filimside Rukumo si Warbixin walbo aan soo daabacno Notification ahaan kuugu soo dhaco.