Maqaal BOI soo daabacday: Kalank oo noqday filimka tikit-kiisa hormaris ahaan ugu badan 2019 la iibsado

Shabakada Boxoffice India (BOI) ayaa soo daabacday in filimka weyn Kalank uu noqday midka sanadkan lacagaha ugu badan laga helo tikit-ka hormaris ahaan loo iibsado (Advance Booking) waxayna u badan tahay 10 Crore in laga helay lacagaha tikit ahaan hormaris loo iibsado.

Waana markii ugu horeesay sanadkan 2019 filim tikit-kiisa hormariska ah loo iibiyo laga helo 10 Crore sidoo kalena waa markii ugu horeesay filim Varun Dhawan hogaamiye ka yahay si hormaris ah xisaabta labo godlaha looga helo iyo sidoo kale Ala Bhatt filimkeeda lacago intaan la eg laga helo si hormaris ah fagta hore.

Kalank wuxuu si xarago ku dheehan ku garaacay filimada Kesari iyo Gully Boy fagta hore lacagaha tikit-kooda hormaris ahaan looga helo weliba Kalank shan maalmood ayaa la iibsaday tikit-kiisa hormariska ah halka labada kale afar maalmood la iibiyay hormaris ahaan.

Sidoo kale waxba kama jiraan wararka saxaafada baahisay ee ahayd in Kalank lacago waali ah tikit-kiisa lagu iibsanayo waxayna shabakada BOI xaqiijiyay in filimkan ku qiimo yahay Kesari iyo Simmba lacagaha tikit-kooda lagu iibsaday in badana wuu ka qiimo hooseeyaa filimkii weynaa Thugs Of Hindustan ee feestadii Diwali 2018 la daawaday.

Fadlan hoos kaga bogo 4-filim ee lacagaha ugu badan tikit-kooda hormaris ahaan loo iibsaday sanadkan 2019 soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):

1. Kalank – 10 Crore (5 maalmood tikit hormaris ahaan loo iibsanayay)

2. Kesari – 7.64 crore (4 maalmood tikit hormaris ahaan loo iibsanayay)

3. Gully Boy – 7.20 crore (4 maalmood tikit hormaris ahaan loo iibsanayay)

4. Total Dhamaal – 6.37 crore (3 tikit hormaris ahaan loo iibsanayay)

Fadlan shabakada Filimside Rukumo si Warbixin walbo aan soo daabacno Notification ahaan kuugu soo dhaco.

Mahad sanidiin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*