Maqaal: Maxad U Baahan Tahay Inad Ka Ogaato Xilligii Dahabiga Ahaa 90s

diid ama yeel bollywoodka xiligiisa ugu fiicnaa waa xiliga 90s kaaso lagu tilmaamo waqtigii dahabiga ahaa madaama ay bollywoodka ka dheeli-tirnayd labada dhinac dhanka tayada aflaamta iyo doorka daawadyaasha

waxaana xiligaas dadka ay ahaayeen kuwa daacad u ah aflaamta bollywoodka sidoo kalena iyaga waxa ay la imaan jirayn aflaamo waa weyn kuwaaso ay hogaamiye ka yihiin aktarada kala caan ah

laakiin sanadahan dambe waxaa meesha ka baxday gabi-ahaanba  daacadnimada daawadayaasha ay u hayeen bollywoodka madaama aysan la imaanayn aflaamo tayo leh iyagoo bur-buriyay xariirka ka dhaxeeya iyaga iyo daawadayaasha maanta waxan ku haya macluumaad u gaar ah xiliga 90s

1. Qiimaha Ticket Ka

mida kowaad waxad ogaanaysaa in xiligii 90s ay si weyn kaga qiimo yar yihiin xiligan madaama uu u dhaxeeyo farqi weyn sida marka lagu cabiro shah rukh khan aflaamtiisa sida filimka jabb harry met sajal kaaso la daawaday sanadkii hore uu qiimahiisa ahaa 2400 rupes micnaha waa 33 dollar laakiin dib aan dib u laabano waxaana ka yaabin doona sidoo  filimkii dilwale dulhania la jayenge kaaso la daawaday sanadkii 1995

waxaana filimkaan qiimaha ticket kiisa u ahaa 50-60 rupes laakiin labada qiimo maahan kuwa xitaa isku dhow laakiin waxaa la yaab ah in filimka dilwale dulhania la jayenge uu noqday all time blockbuster noqday halka jabb harry met sejal uu noqdha flop

2. Cajaladaha Heesaha

waxaa hadda lays weediiya sababaha ay hoos ugu dhacday xiisaha loo qabay heesaha bollywoodka iyadoo xiligii 90s ay jireyn heesayaal laga dambeeyay sida kumar sanu iyo udit narayan iyadoo xiligaas qofka uu soo gadan jitay cajaladaha lagu dhagaysto rikoorada

waxaana uu aadi jiray goobaha studio si loogu duubo heesaha u jecel yahay laakiin hadda waxaa soo baxay barta YouTube ka kaaso aan ka daawan karto hees walba oo cusub taaso ay ku luuqeenayaan heesayaal cusub oo lahayn miisaanka kumar iyo udit iyadoo farqiga u dhaxeeya ay tahay xiiso iyo jeceyl kaaso loo qabay 90s

3. Kaartada Aflaamta

waa cajiib marxaladaha isku mid ma ahan xiliga 90s waxa ugu horeeya ee filimka gadi jiray waa kaartada madaama ay tahay mida dadka ay ka daalacanayaan muuqaalka filimka waxaana laga dhigi-jiray kuwa soo jiidasho leh waxaana la yaab ah in hadda kaartooyinka lagu diyaariyo software laakiin waagii hore waxaa kaartooyinka qaar lagu samayn jiray sawiro gacan ku samays ah kaaso u diyaarin jiray qof artiiste ah

4. Tiyaatarada

hadda tiyaatarada bollywoodka waxa ay u kala labo mid waxaa la yiraahdaa single screen midna waxaa la yiraahdaa multiplex laakiin waagii hore tiyaatarada waxaa ay ahayd sida fasal oo kale taaso mid walba leh qiimo gaar ah

5. Waqtiga Filimka Ee Tiyaatarada

 

hadda waxaa mucjiso loo arkaa in la helo filim kaliya 50 maalmood iyo in ka badan inuu tiyaatarada saarnaado taaso ah mid qariib ah oo aan la heli karin laakiin kalsoonida lagu qabay aflaamta 90s ayaa waxa at gaartay in filimkii sheeko wanaagsan inuu tiyaatarada saarnaado 1000 usbuuc sida aflaamta kala ah raja hindustani,dilwale dulhania la jayenge iyo hum apke kaun hai ah mid qariib in la arko xiligan

6. Tayada Aflaamta

hadda filim weyn iyo filim yar waxaa uu helaa tiyaataro ka badan 1000 tiyaatar laakiin lama hubo inay noqon karaan aflaamo guuleysta madaama wax walba ay ku xiran tahay tayada sheekada filimka

taaso cadeyn ku noqonaysaa filimka  hum apke kaun hai waa filimka lagu tilmaamo inuu yahay kan ugu weynaa taariikhda bollywoodka marka laga cabir qaato gabacsiga u sameeyay ayaa kaliya waxaa la saaray tiyaataro gaaraya 150 tiyaatar kaliya

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*