Maqaal Xiiso Badan: Maxaa Sababay In Sanadahan Dambe Bollywood Ka Laga Waayo Aktaro Xirafadooda Ay Tahay Shactiro

bollywoodka waxaa soo maray xidigo badan oo xirfadooda ay tahay shactiro iyagoo lahaa xiliyo kala duwan waana mid sal u ahayd aflaamtii hore iyo kuwii dhexe waana mid laga siin jiray doorar muhiim ah iyagoo xitaa mararka qaar saameyn ku lahaayeen sheekada filimmka aan sheekadayna ka bilowno xiligii 50s

Xilliga 50s

waxaa jiray nin ku xeel-dheera dhanka iyo shactirada laguna magacaabo johnny walker isagoo ah mid dadka si weyn kaga qosol siiya sida hadaladiisa iyo muuqaalkiisa isagoo lasoo shaqeeyay aktarada ugu caansanaa xiligaas waana mid xirfadiisa shactar-nimo heer sare ahayd sidoo kale aan fiirino

Xiligii 60s

xiligaan waxaa la dhihi karaa waa marka la dareemay in shactirada laga maarmaan u tahay filimada madaama dadka ay helayn nin si weyn ugu shactireeya waana shactiroolaha weyn ee lagu magacaabo mehmood isaga doorarkiisa shactirada waa kuwa classic ah waxaana si weyn loogu xasuusta heesta ek chautar naar kaaso ilaa xiligan si weyn loo xiiseeyo

Xiliga 70s iyo 80s

xiligan waana xilli ay cirka sii gaartay doorarkii shactirada madaama ay soo baxayn dad si weyn u madadaalin jirayn dadweynaha sida xidigaha kala ah jagdeep iyo asrani iyadoo labadan shactiroole ay ahaayeen kuwa halyeey ah kuwaaso isku darsaday muuqaal iyo cod taaso ay awoodi karaan inay dadka kaga qosol siiyaan mana la hilaami karo xiligoodii iyo sida ay dadka kaga qosol siin jirayn 80s Ilaa iyo 90s waa xilliga shaqsi ahaantayda aan ugu jeclahay madaama aan xiligan aan baranay kuwa ka mid ah shactiroolayaasha ugu wanaagsanaa taariikhda bollywoodka madaama ay xiligan hogaanka shactirada ay la wareegayn labada jilaa ee kala ah kader khan iyo johnny lever waa kuwa mararka qaar si xun xitaa u ciqaabi jiray  aktarada sababtoo la’aantooda filimka waxa uu ahaan jiray mid aan dhadhan lahayn sidoo kale xitaa kaliya maahan india iyo caalamka waxaa sidoo kale labadan xiiseen jireyn dadka soomaalida ee si weyn u daawada aflaamta hindiya

Xiligii 90s

xiligaan wax isbadal kuma iimaan doorka shactirada isagoo kaliya sare u kac sameeyay madaama ay bollywoodka ay kusoo kordhayn jilaayaal fara badan oo dhanka shactirada sida shakti kapoor oo hore looga bartay doorka xumaanta ama laadar-nimada

waxaana xiligan la yaab noqotay markii la arkay aktaro xirafadooda ay ahayd aktar inay isku badalayn shactiroolayaal sida aktarada kala ah anil kapoor iyo govinda sidoo kale shactiroolayaashs xiligaas laga dambeeyay waxaa ka mid ahaa ninka lagu magacaabo dinesh hingorani oo soomaalida u taqaano magaca kutt

bilowga qarnigan 2000s

kani waa xiligii ugu dambeeyay ee la arko doorarka shactirada madaama la waayay jiil cusub oo dhanka shactirada kuwaaso badal u noqday jilaayaasha usoo halgamay doorkaas waxaana doorka shactirada ay ahayd mid xadidan kaliya waxaa la tilaami karaa dhawr xidig sida paresh rawal iyo rajpal yadav kuwaaso u istaagayn inay dadka shactiro ku madadaaliyaan

iyadoo paresh rawal uu dadka si weyn kaga yaabsaday doorarkiisashactirada sida taxanaha hera phera sida filimka awara pagal deewana iyo aflaamo kale oo badan halka shactiroolaha rajpal yadav isagan uu ahaa mid kale aan la qarin karin doorkiisa shactirada

Ka Dib Maxaa Dhacay

 

waxaa isbadal ku yimid aflaamta bollywoodka iyo doorarka aktarada iyadoo ay noqotay in aflaamta sheekadooda ay tahay mid ka kaliya ka hadalysaa shaqsiyaad qaas ah

taasi oo meesha ka bixiyay doorar fara badan oo lagu arki jiray aflaamtii 80s iyo 90s sida doorarka laadar-nimada iyo shactirada waxaa soo baxay aktaro cusub kuwaaso noqdayn in doorka filimka hogaamiyaha ka yihiin inay mar jaceyl sameeyaan marna shactireeyaan

sida aktarada kala ah retiesh dushmukh aftab tushar kapoor iyo aktarokale oo badan iyadoo xitaa aktaradii kale sida akshay kumar salman khan iyo shah rukh khan ay bilaabayn inay isku dayaan inay sameeyaan door aan loogu baran

kaaso ah mid shactirada macquul maaha in door walba aad sameeso inad kusoo baxayso kaliya labo aktarka oo kala ah akshay kumar iyo ajay devgan kuwaaso  si fiican kaga soo dhalaalayn doorkaas

laakiin iyaga ma ahan aktaro xili walba sameyn kara doorkaas hadda xiliagaan aflaamta bollywoodka doorka shactirada waxa uu ka noqday mid laga maar-maan u ah aflaamtooda iyadoo xidigaha bollywoodka ay bilaabayn inay shactirada sameeyaan

taaso layaab ay noqotay waxaana la dareemay inan mar dambe la arki doonin in aflaamta bollywoodka shactirada inay door Wacan ku lahaadaan ka dib markii aktarka amithab uu isku dayay inuu noqdo shactiroole

 

Akhriste Maxaa Kaaga Baxay Maqaalkan Xiligee Ayad U Aragtaa Inay Ahayd Xiliga Ugu Fiicnayd Shactirada 

Shactiroolahee Ayad Ugu Jeceshahay Bollywood-Ka 

4 Comments

  1. Shactiradu waxay ugu wacnayd waqtigii 90 kii waayo waxa joogay amadi shactiroolihii ugu fiicnaa ee abid soo maray bollywoodka

  2. Aaad baa oga helay macluumadka waqtiga u hurten ee qiimaha badan basle waxa dalbanlahaa dhimaca koonfurta mr leflefow ravi teja iyo kooxdisa dhhavtirada iyo heerarka ay soo maren iyo magacyadoda asalka ahaa sida kuwa boolywof ka u sheegten mahadsanidin in badan

Comments are closed.