Marka Ay Dhacday Preity Zinta Inee Nacdo Bollywoodka Kana Tagto Gabi Ahaan!!

Preity Zinta waxay kamid tahay atirishooyinka Bollywoodka ugu wanaagsan taariikh ahaan taaso aflaam dhaxal gal ah sameeysay waligeedna lagu xasuusan doono waana atirisho soomaalida aad u jecel yihiin.

Hadaba Preity Zinta waxay sheegtay inay Bollywood-ka isaga fariisan rabtay balse seygeeda Gene Goodenough uu markale dhiiri galiyay inay sii wadato shaqadeeda ay caanka ku ahayd.

Preity Zinta waxay tiri “Niyad weyn uma heynin inaan Bollywood-ka kusii jiro waxaan rabay inaan shaqada isaga fariisto madaama xiisaha aan Bollywood-ka u qabay iga dhamaaday”

“Balse seygeyga ayaa i garab istaagay iguna dhiiri galiyay inaan sii wato shaqada aan caanka ku yahay waxaana haatan rabaa inaan sameeyo filimo xiiso badan”

Preity Zinta ayaa sheegtay inay xiiso u qabto sameynta ay iyada awood balaaran ku leedahay ama filim atirisho hogaamiye ka  tahay kaasi oo ay kartideeda dheeraadka ah kusoo bandhigi karto.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*