Marka hore xumaan marka xigta wanaag: 10-atoore oo door xumaan ah ku bilaabeen filimada kadibna door wanaag ah kusoo idleeyeen qaybta 2-aad (+sawiro)

Kusoo dhawaada qaybta labaad maqaalkeenii aan kaga hadleenay 10-atoore oo door xumaan ah ku bilaabeen filimada kadibna door wanaag ah kusoo idleeyeen:

6. Ek Villain: Siddharth Malhotra marka hore wuxuu ku matalaa filimkaan nin burcad ah oo aan nixin balse gabi ahaanba kaga tanaasulaayo marka ay noloshiisa kusoo biirto gabadha quruxda badan Shraddha Kapoor.

7. Jeet: Karan (Sunny Deol) waa dilaa aan nixin balse jaceyl u qaadayo Kajal (Karishma Kapoor) kadibna Karan dunida fal dambiyeedka xambaarsan ee uu mudo dhex jiray wuu ka tanaasulaa si uu jaceylkiisa u helo nolosha caadiga ah ayuu ka war doonaa.

8. Ladies v/s Ricky Bahl: Ranveer doorkiisa Ricky Bahl marka hore waa mid xariif ah oo hablaha shukaanasado kadibna lacagta ka dhaco, hada sedex gabdhood oo uu noloshoodda dhibaateeyay ayaa soo kireesanayaan Ishika (Anushka Sharma) si ay iyadana u qayaanto balse markii dambe Ranveer si toos ah ayuu u jeclaanaa wuxuuna ogaa qaladaadkii uu horey u galay.

9. Hum: Megastar Amitabh Bachchan doorkiisii Tiger ama shabeelka awooda badnaa filimka Hum waa mid uu abaal marin walbo ku qaatay, wuxuu ku jilaa shaqsi awood badan oo nolosha tuuganimada iyo xumaanta ka tanaasulayo si uu u daryeelo labadiisa walaal ee ka yar isaga una baahan.

10. Dhoom 2: Hrithik Roshan iyo doorkiisa Aryan waa mid hirgalay marka horena ku jilaayo tuug xariif ah oo aan xoog iyo xeelad askarta ku qaban karin, dhamaadka filimkaan Aryan dib ayuu kaga laabanaa xumaantii lagu yaqiinay wuxuuna furanaa maqaayad isaga iyo gacalisadiisa Sunheri (Aishwarya Rai Bachchan) si ay nolol caadi ah ugu noolaadaan kadibna waxaa cafinaayo isbatoore Jai (Abishek Bachchan).

Dhamaad,

Waad Ku Mahad santahay Aqriskaaga

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*