Markale Kangana Ranaut Walaashed Oo Usoo Jawaab Celisay Randeep Hooda Kadib Markuu Difaacay Alia Bhatt”Atoorayaasha Flop-ka Ah Noocaado Kale Ayee Alia Bhatt Ku Meel Martaa”

Jilaaga caanka ah Randeep Hooda ayaa u dulqaadan waayey war xumida ay faafinayaan Kangana iyo walaasheda iyo sidee u daba taagan yihiin Alia Bhatt waxuuna sheegay inee ka leexdan gabadhaan yar.

Randeep waxuu kaloo tilmaamay in Kangana fanka laga qabto maadama qof walba ay la dagaasho waxuuna ku tilmaamay qof maskaxda kajiran hadaba Ranaut walaasheda Rangoli oo u joogta inee u jawaabto qokii Kangana wax ka sheego ayaa usoo jawaab celisay Randeep si kulul waliba.

Waxay tiri iyadoo hadleysa,”macaantadeyda Alia Bhatt Randeep hadalkiisa ha u dhag raaricin waa nin fanka ku yimid is qaraabeysi sida adiga oo kale waan ogahay atoorayaasha Flop-ka ah sida Randeep oo kale in aad ku meel marto oo aad maanta heerkan kusoo gaartay.”

“Dhinaca kale Randeep adiga waan ku aqanaa soo ma tihid midka walaashey Kangana dhibaato jismiyad u geestay hada kahor intii la duubayey filmka Ungli waxaa tahay waa la ogyahay ma aqaan sababta uu Karan Johar filmkaas kaaga qeyb dhigay iyo sidaa u indho sarcaadisay adigo wax walbo sameeyay.”

Randeep iyo Alia waxay wada sameyeen filmka Highway ee Bhatt doorkeda aad loogu amaanay waxayna Rangoli oraahda hore ka wadaa in Alia Bhatt atoorayaasha Flop-ka ah la shaqeyso door ahaan dulmarto sidaasna maanta heer ku gaartay.

Dhanka kale Randeep iyo Kangana waxay isla sameyeen filmka Ungli ee jilayaasha badan la isugu keenay oo Karan Johar wax ka maalgaliyay waxayna Kangana walaasheda oraahda dambe ku sheegtay in mashruucan Kangana lagu dhibaateyay hadana sas ee tahay Karan Johar waxba ka qabanin oo Randeep howsha filmkan iska sii watay.”

Walal Ha Ilaawin Inaad Hal Xayeysiin Oo Ku Dhufato Xayeysiimaha Noocyada Kala Duwan Sida Cunooyinka, Agabka Guryaha, Games Kala Duwan Sawirada Kusoo Baxaan Mid Kamid Ah Kudhufo Mahadsanid…

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*