Markii ugu horeysay taariikhda oo xaruunta Baarlamaanka New Zeland lagu dhex akhriyay Quraanka Kariimka.

Waxay aheyd jimcihii lasoo dhaafay markii wadanka New Zeland uu ka dhacay fal aragagaxiso ah kadib markii masjidka Al-Nuur ee wadankaasi ku yaalo dhexdiisa ku shahiiday 49 ruux kuwaasoo mid naclad ku dhacday uu rasaas kuwada furay.

Tan iyo dhacdadaas wixii ka dambeeyay waxaa soo badanayay dadka soo galayay diinta islaamka iyadoo alle uu musiibadii meesha ka dhacday u badalay mid kheyr leh.

Hadaba shalay xaruunta Baarlamaanka New Zeland waxaa ka dhacay wax aan horay uga dhicin kadib markii kalfadhiga baarlamaanka wadankaasi lagu furfuray aayadaha quraanka kariimka.

Dhacdadaan ayaa ah mid ugu ah oo aan horay wadankaasi uga dhicin waxayna astaan u tahay sida uu Allaah diintiisa u xifdin doono korna ugu qaadi doono waayo gaalkii xasuuqa geystay iyo kuwii la jirayba ujeedkoodu wuxuu ahaa in nuurka alle damiyaan hase yeeshee Alle nuurkiisa wuu dhameystirayna