Masii socon doontaa cadaawada ka dhaxeyso Dean Ambrose iyo Seth Rollins mise qorsho kale ayaa jira? Xog muhiim ah.

 

Sidey tilmaameen warar sii horeeyay oo kasoo baxay shabakada WWE in Seth Rollins uu loolan u gali doono suunka WWE Universal Chamboinship isla markaasna uu dagaal culus la gali doono ninka heysta suunkaas ee Brock Lesnar.

Seth Rollins ayaa horay loo iclaamiyay inuu ka qeyb galaayo bandhiga Royal Rumble taasoo la qaban doono maalinimada axada ee 27da bishaan janaayo.

Qorshaha ayaa wuxuu yahay in Seth ku guuleysto  Bandhiga Royalka kadibna uu dagaal kula galo suunka Universal Chambionship bandhiga Wrstelmania 35 xidiga laga dambeeyo ee Brock Lesnar.

Waxayna u muuqataa in uu soo gabo gaboobi doono cadaawadii ka dhaxeysay Seth Rollins iyo ninka heysta suunka qaaradaha ee Dean Ambrose maadaama ay cadaawadooda wax xiiso ah ku heynin jamaahiirta WWE sidaas owgeed maamulka ayaa go’aansadeen in ay u jiheeyaan dhankas Seth v Brock waana dagaal xiisihiisa leh.

Dagaalkii u dhaxeeyay Seth Rolliniyo Dean Ambrose ayaa soo jiitamayay tan iyo 22dii bishii Oktobar ee sanadkii hore markaasoo uu bandhigii RAW ee isbuucaas uu Dean Ambrose khiyaamay sxbkiis Seth Rollins si uu uga aarsado khiyaanadii uu Seth isna ku sameeyay kooxdii The Shield.