Maxaa Deepika Daba Dhigay Filmada Aishwarya Rai Iska Diiday Big Hits Ayee Nasiib Ku Heshay Xidigtaan!!

 

Deepika Padukone waa mid kamid ah atirishooyinka waqtigaan ugu awooda badan fanka hindiya sida guudna waa atirishada kowaad ama labaad ee ugu awooda badan Box-office-ka waqtigaan maadama BOI ku dhawaaqday in hogaanka Deepika lagala wareegay oo Alia Bhatt filmkeeda Raazi awood aan caadi ahen ku gaday sanadkii 2018.

Hadaba waxaa jiraan aflaam badan oo Deepika sameesay kuwaaso Big Hits ama Hits waa weyn noqdeen kuwaaso asal ahaan ay atirisho ka noqon lahed Aishwarya hadii aysan diidi laheen.

Deepika nasiibka ayaa saaciday si ay ku hesho mashaariicdaan kadibna awoodeda iyo kartideeda ayee ku gaday mashaariicdan xiisaha leh inkastoo xidigo waaweyn atoorayaal ka ahaayen hadana qeyb weyn ayee ka qaadatay Deepika.

Halkaan hoose kaga bogo tirade filmada Aishwarya Rai iska diiday ee ay Deepika sameesay:

Happy New Year (Super Hit): Farah Khan ayaa laga soo xigtay in Aishwarya markii hore u bandhigtay doorka Deepika balse Aish wey iska diiday maadama ay fursad u weyday ay kuduubto filmkaan..

Bajirao Mastani (Hit): Sanjay Leela Bhansali waxuu la rabay filmkaa Salman Khan iyo Aishwarya Rai inee wada sameyeen balse xurguftii dhex tiilay xidigahan uma saamixin inee wada sameyeen mashruucan labadoodaba wey isaga baxeen doorkii Aish ka tagtay Deepika ayaa qaadatay.

Padmaavat (Blockbuster): Bhansali waxuu afkiisa ka qirtay in Aishwarya uu markii hore u bandhigay doorka Deepika filmkaan balse Aish wey iska diiday filmkaan waxaana la sheegay inee dalbatay doorka Ranveer Singh ee xumaanta ah markii ay weysayna isaga baxday.

Xaqiiq ahaan Bhansali Aishwarya ayuu jecelyahay inee filmadiisa hogaamiso halka atirishada labaad ee uu jecelyahay inee filmadiisa hogaamiso Deepika noqotay balse Aish iyada ayaa iska dacayday fursado qaali ah awoodeda fankana kusoo ceshan kartay waxaana ka faaideysatay Deepika oo mashaariicdan awood lixaad leh ku yeelatay.

Wada shaqeenta Aishwarya iyo Bhansali waxay soo bilaawatay sanadkii 1999 markii ay wada sameyeen filmkii Hum Dil De Chuke Sanam kadib Devdas ayee la sameeysay waligiisna inuu la shaqeeyo xidigtaan ayuu jeclaa Filmsameyahan…

Walal Ha Ilaawin Inaad Hal Xayeysiin Click Kusiiso Xayeysiimaha Noocyada Kala Duwan Sida Cunooyinka, Agabka Guryaha, Games Kala Duwan Sawirada Kusoo Baxaan Mid Kamid Ah Click Kusii Mahadsanid…

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*