Maxaa Ka Taqaana Chris Tucker Atooraha Filmka Rush Hour Ee Jackie Chan Kula Jiray (Sawiro+Video)

 

Chris Tucker waa atoore American ah sido kalena caan ku ah dhanka madadaalada iyo shactirada waxuuna sameyay aflaam badan oo shactiro badan kuwaaso uu dadka qosolka kaga dhameyay sido kale barnaamijyada uu ka qeyb qaatay ee Show-yada Tv-yada ayaa xitaa kamid noqdeen kuwa loogu jecelyahay xidigaan.

Chris waxuu dhashtay 31 Aug sanadkii 1971 haatana waa 46 sano jir daafaha caalamkana caanka ah, waxuu in badan caan ku yahay doorkisa dambi baare James Carter (Detective James Carter) ee uu ku jilay taxanaha Rush Hour.

Tucker waxuu saaxiib dhow la ahaan jiray waligiis Michael Jakson iyo waliba Jackie Chan oo ay isku barteen taxanaha Rush Hour ilaa hadana isaga iyo Jackie waa labo shaqsi oo saaxiibo ah.

Rush Hour waxaa laga sameyay ilaa sedex qeyb waxaana la filaa in qeybta 4aad sanadka dambe laga howl galo ama sanadkaan qeybaha dambe maadama si weyn loo jecelyahay taxanaha.

Hadii aad daawatay sedexda qeyb ee Rush Hour waa hubaal in aad ka heli doontid qaab jiliinka Chris Tucker iyo sida uu kaaga qoslin doono.

Hadii Aad U Baahantahay Goos Gooska Qeybaha Shactirada Ee Filmkaan Fadlan Halkaan Hoose Ka Daawo: