Maxaa kala qabsaday Imaamu Shucbi iyo wiilkii caaqilka ahaa

Imaamu Shucbi wuxuu yiri waligey qof iigama caqli badinin siduu wiil yar iiga caqli badiyay.

Waxaa dhacday maalin ayaan anigoo ardaydeyda duruus siinaayo weydiiyay heblaayo hebel iiga warama??

Markaas ayay ii amaaneen.

Balse wiilkii ayaa inta gooni iila baxay igu yiri “gabadhaan iska dhaaf oo isaga fogow”

Sabab ayaan weydiiyay??

Wuxuu iigu jawaabay “waxaan arkay iyadoo nin dhunkanaayo”.

Markaas ayaan gabadhii ka talo baxay.

Mudo kadib waxaan ogaaday in wiilkii uu gabadhii guursaday.

Anigoo yaaban ayaan utagay waana weydiiyay ” soo ma ahan gabadhaad iiga digeysay oo aad ilaheyd iyadoo nin dhunkanaayo ayaan arkay??”.

Wuxuu iigu jawaabay “haa waa iyada laakiin adiga ima weydiinin ninka dhunkanaayay qofkuu ahaa hada ayaana kuu sheegaa wuxuu ahaa aabaheeda”

Wiilkaas siduu iiga caqli badiyay qofna iigama caqli badinin.

Fadlan shabakada Filimside Rukumo si Warbixin walbo aan soo daabacno Notification ahaan kuugu soo dhaco.

Mahad sanidiin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*