Maxaad ka taqaanaa quruxleydii Mata Hari ahna jaasuusadii ugu weyneyd ee aduunkaan soo martay?? sawiro.

 

 

Mata Hari waa gabar Danciga aad u taqaanay iyadoo Clupska ka cayaari jirtay waxayna noqotay Jaasuusadii ugu caansaneyd taariikhda casriga ah waxayna howl gali jirtay dagaalkii koowaad ee aduunka kahor intaanan la daldalin.

Magaceeda saxda ah waa Margaretha Geertruida Zelle waxay dhalatay 1876dii iyadoona caan ku noqotay magaca Mata Hari waxaana loogu magac daray magaca Jaasuusadii jaasuusiinta  maadaama ay rag waaweyn dabin kusoo riday iyadoona ka dhex shaqeyn jirtay Faransiiska iyo Jarmalka.

Fagtii hore waxay jaasuus u aheyd dowlada Germany kadibna waxay bilowday iney la shaqeyso dalka France waxayna aheyd naag aad u qurux badan isla markaasna laheyd karti iyo caqli aan caadi aheyn waxaana gacmaheeda ku maqan saraakiil badan iyo madax badan oo ay khiyaano ku dishay.

Naagtaan sanadkii 1917dii ayaa la dilay iyadoo 41 jir ah waxaana dil toogasho ku xukuntay maxkamad ku taalo dalka France iyadoo aanan si rasmi ah loo shaacinin kiiska sababay in la dilo.

Hadaba halkaan hoose ka daawo sawiro u gaar ah Mata Hari.